Mogadishu, 25 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.
Wasiirka
ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Baardheere iyo Diinsoor oo laga
xoreeyey kooxaha Al-Shabaab, Maleeshiyaad lagu soo qabqabtay deegaanka
Afgooye iyo Ceelasha Biyaha, Horjoogaal cusub oo Al-Shabaab ah madaxooda
lacag la korhdigay, dawladda oo sheegtay in la ciqaabi doono cidkasta
oo la ogaado in ay dhaqaale ku taageerto Alshaab, Guddiyada Madaxa
Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xaduudaha oo la dhaariyey, Xarunta
tababarka Suxuufiyiinta oo la daahfuray, Xarunta Akademiyada Cilmiga,
Fanka & Suugaanta oo la dhagax-dhigay, Safiirka cusub ee UK oo
waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay, Dhaqanka Soomaaliya oo kor loo
qaadayo, iyo Madaxweynaha GalMudug oo la caleemo-saaray.
Baardheere iyo Diinsoor oo laga xoreeyey kooxaha Al-Shabaab
Ciidamada
Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya ciidamada AMISOM ayaa 22kii
July 2015 waxey la wareegeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo,
halkaasi oo laga ceyriyay maleeshiyaadka Al-Shabaab. Sidoo kale 24kii
July 2015 ayey ciidamadu la wareegeen degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.
Ciidamada Amniga ayaa waxey ka wadaan Baardheere iyo Diinsoor howlgallo
amniga lagu xaqiijinayo, si shacabka deegaanka ay u helaan amni iyo
nabad-waarta. Baardheere iyo Diinsoor oo in mudo ah ku jirtey gacanta
kooxaha Al-Shabaab ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay shacabka deegaanka
oo laga dulqaaday cabsidii, cagajugleyntii iyo xornimo la’aantii ay in
mudo ahba ku sugnaayeen. Ciidamada Dowladda ayaa wada howgal ballaaran
oo ujeedadiisu tahay in dhammaan deegaanada ay ku sugan yihiin kooxaha
Al-Shabaab in laga saari doono.
Maleeshiyaad lagu soo qabqabtay deegaanka Afgooye iyo Ceelasha Biyaha
Ciidanka
Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 21kii July 2015
howlgallo ay ka sameeyeen inta u dhexeysa Ceelasha biyaha iyo Afgooye
waxay kusoo qabteen Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo hubkii
ay heysteen. Ciidanka ayaa waxa ay howlgallada ka bilaabeen Ceelasha
biyaha, Lafoole, Xaawo Cabdi iyo meelo kale oo u dhaw degmada Afgooye ee
Gobolka Shabeelaha Hoose, iyagoo baaritaanno ka sameeyay guryo ay ku
tuhmayeen inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab,
waxaana ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhallinayaro badan, kuwaasi oo
baaritaanno dheeraad ah kadib sii daayay qaar ka mid ah dhalinayaradii
howlgallada lagu qabtay, halka kuwa kale lagu helay caddeymo muujinaya
inay shabaab ka tirsanyihiin. Ciidanka Hay’adda Nabad sugidda waxa ay
sidoo kale gacanta ku soo dhigeen qalab ciidan iyo raggii watay oo la
aaminsanyahay inay yihiin qalab ciidan oo laga soo qaatay bar ay
ciidamada AMISOM ay horey uga deganaayeen gobolka Shabeelaha Hoose,
kuwaasi oo ay iminka ku socoto baaritaanno dheeraad ah oo lagu ogaanayo
waxa ay yihiin iyo meesha ay ka keeneen. Howgalka ayaa u jeedkiisu yahay
in laga hortago falalka ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka soo
abaabulayaan meelo ka baxsan caasimadda, si ay ugu dhibaateeyaan
bulshada Soomaaliyeed.
Horjoogayaal cusub oo Al-Shabaab ah madaxooda lacag la kordhigay
Horjoogayaal
cusub oo ka mid ah madaxda Al-Shabaab ayaa lacago la kordhigay si loo
soo qabqabto ama ciidamada amniga lagu soo wargeliyo goobaha ay ku
dhibaateeyaan shacabka. Ujeedada barnaamijkan ayaa ah bacdamaa ciidamada
Dowladdu ay ku jiraan howlgallo amniga lagu sugayo, isla markaasna in
badan loo fidiyey kooxaha nabad-diidka ah gacan si ay barnaamijka
nabadeynta ugu soo biiraan oo ay qoryaha iska dhigaan, hase yeeshee,
maleeshiyaad badan oo ka faa’iideysan lahaa fursadahaas ayaa waxaa
hortaagan horjoogayaal u diidan inay nabadda qaataan oo xooj, handadaad
iyo cabsi xoogan ku haya. Sidaas daraadeed, ayaa Dowladda Federaalka
waxey dooneysaa inay soo afjarto dagaalada lagula jiro kooxahan nabadda
diidan oo la aaminsanyahay marka horjoogayaashooda la soo qabqabto inay
fududaaneyso in maleeshiyaadka kale ay nabada qaataan.
Dowladda oo sheegtay in la ciqaabi doono cidkasta oo la ogaado in ay dhaqaale ku taageerto Alshaab
Dowladda
Federaalka Soomaaliya oo in muddo ahba waday howlgal ciidan si looga
sifeeyo kooxaha argagaxisada ah dalka oo dhan, ayaa bilaabay qorshe
looga dan leeyahay in dhammaan ilaha dhaqaalaha laga joojiyo kooxaha
argagaxisada ah. Dowladda Federaalka ayaa waxey soo saartay awaamiir
looga digayo shaqsiyaadka iyo ganacsatada taageerta argagaxisada inay si
deg-deg ah u joojiyaan. Dowladda ayaa go’aamisey in cid allaale iyo
cidii lagu helo inay taageereyso kooxaha argagaxisada ah in la marsiin
dooni ciqaab adag. Dowladda ayaa sheegtay in kooxaha argagaxisada ah ay
heystaan fursad ay nabada uga qeybqaataan waa haddii iyo haddii oo
kaliya ay qoyaha iska dhigayaan oo ay caddeynayaan inaysan ummadda
gumaadeynin oo ay nabada ka qeybqaadanayaan. Hase yeeshee kuwa ka madax
adeyga waxaa lagu wadayaa dagaal looga sifeynayo dalka, sidaas
daraadeed, ayaa digniin adag loogu jeediyey shaqsiyaadka taageera
kooxahan argagaxisada ah.
Guddiyada Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xaduudaha oo la dhaariyey
Kulankii
Baarlamaanka Soomaaliya ee 21kii July 2015 ayaa lagu dhaariyay
Guddiyada Xuduudaha iyo Doorashooyinka oo dhawaan ay meel mariyeen
xubnaha Golaha Shacabka. Hab-dhowraha Barlamaanka Maxamed Cumar Maxamuud
ayaa sheegay in xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya hortooda lagu
dhaariyay Guddiyada Doorashooyinka iyo Xuduudaha & Federaalka.
Guddiyadan ayaa dhaarinta ka dib si rasmi ah u guda geli doona howlaha
muhiimka ah ee loo igmaday. Guddiyadan ayaa howlahooda ay yihiin kuwo
muhiim u ah dhaqangelinta barnaamijka hiigsiga 2016ka si dalka ay uga
dhacaan doorashooyin. Sidoo kale waxaa dhowaan la filayaa in
baarlamaanka uu ansixin doono shuruucda xisbiyada dalka si dalka ay uga
hirgalaan xisbiyo horseeda doorashooyin ku dhisan axsaab iyo mabda’ si
looga gudbo nidaamka awood qeybsiga ee beelaha Soomaaliyeed.
Xarunta tababarka Suxuufiyiinta oo la daahfuray
Wasiirka
Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa 21kii July 2015 ka qayb galay
Munasabad lagu soo bandhigayay xarun cusub oo lagu Tababari doono
Suxufiyiinta Soomaaliyeed taas oo ay soo bandhigtay hay’adda Relief
International. Madaxa hay’adda Relief International Xasan Ciise ayaa
sheegay in xaruntan ay wax badan ku soo kordhin doonto Xirfadda
Wariyeyaasha Soomaaliyeed. Xarunta ayaa wariyeyaasha Soomaaliyeed waxey
ka heli doonaan qalabkii ay ku howlgali lahaayeen sida kaamarooyin casri
ah, qalabka lagu sameeyo wax ka bedelka ama ku kordhinta barnaamijka
sida editing-ka iyo sidii kale barnaamijyada saacidaya wariyaha inuu sii
diyaarsado. Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure, Agaasimaha Idaacada
Kulmiye ayaa soo dhaweyey Xaruntan cusub. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka
iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa tilmaamay in
xaruntan furitaankeeda uu ku soo aaday waqti muhiim ah oo dalka u
jihaystay Nabad, horumarinta warbaahinta dalka, horumar iyo Dowladnimo,
loona baahan yahay in warbaahintuna ay doorkeedda qaadato.
Xarunta Akademiyada Cilmiga, Fanka & Suugaanta oo la dhagax-dhigay
Madaxweynaha
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa 21kii July 2015 dhagax-dhigay xaruntii Akademiyadda Cilmiga, Fanka
iyo Suugaanta. Akadeemiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ayaa horay u
ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga, cilmi baarista dhinaca dhaqanka,
hiddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya. Madaxweynaha oo
dhagax-dhigga kadib hadal jeediyay ayaa sheegay in dib u soo nooleynta
Akademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta ay ku fadhido micno taariikhi
ah oo uu yiri ‘’Ummad aan garaneyn meesha ay ka timid, taariikhdeedi
hore, hiddaheedii iyo waxa ay leedahay, waxaa ku adag inay qaabeysato
mustaqbalkeeda. Sidaa darted waxaan aad ugu faraxsanahay in dib loo soo
nooleeyo Akademiyaddii aanu lahayn, diyaarna waxaan u nahay inaan
awooddeena oo dhan isugu geyno.’’ Dib u dhiska iyo dayactirka
akademiyadda waxaa dowladda Soomaaliya gacan ku siinaya Midowga Yurub
iyo hay’adaha gargaarka ee CISP iyo OXFAM. Wasiirka Waxbarashada iyo
Tacliinta Sare, Marwo Khadra Bashiir Cali ayaa sheegtay in horumarka
dalka ka jira uu horseeday in hay’adihii muhiimka u ahaa dalka dib loo
dhisayo, si shacabka Soomaaliyeed loogu adeego.
Safiirka cusub ee UK oo waraaqihii aqoonsiga laga guddoomay
Madaxweynaha
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud
ayaa 20kii July 2015 xarunta madaxtooyada kaga guddoomay warqadaha
aqoonsiga, Danjiraha cusub ee Boqortooyada UK (United Kingdom) wakiilka
uga noqon doonta Soomaaliya, Ms Harriet Mathews. Madaxweynaha ayaa ugu
horeyntii ka mahadceliyay taageerada mar walba ay Britain la garab
taagan tahay Soomaaliya, oo uu sheegay inay muhiim u tahay dib u soo
kabashada Soomaaliya, oo uu yiri: "Aad baan uga mahadcelineynaa
Boqortooyada UK iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron oo dadaal dheer u
galey inuu indhaha beesha caalamka ku soo jeediyo xaaladda Soomaaliya.
Dhab ahaantii waqtigaasi kadib Soomaaliya horumar la taaban karo ayay ku
tallaabsatey’’. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale
Danjiraha cusub ee Britain uga waramey xaaladda guud ee dalka,
dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo dhaqaalaha, isagoo intaa ku darey in
Soomaaliya ay weli u baahan tahay kaalmada beesha caalamka si loo
dhameystiro hawsha ballaaran ee dib u dhiska Soomaaliya. Danjiraha cusub
ee Britain ee Soomaaliya Ms Harriet Mathews, oo iyana kulanka ka
hadashey ayaa Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ku ammaantey
horumarka muuqda ee laga sameeyay barnaamijka dhaqangelinta nidaamka
federaalka, iyo dardargelinta hawlaha la xiriira Hiigsiga 2016. Ms
Mathews ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Cameron ay ka go’an tahay in
la sii wado taageerada loo fidinayo Soomaaliya, isla markaana ay Britain
waddanka kala shaqeyn doonto dhinacyada gargaarka aadminimo, amniga,
siyaasadda, horumarinta iyo dhaqaalaha. Ms Mathews ayaa sidoo kale
sheegtay in bilaha soo socda ay magaalada New York ku kulmi doonaan
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare David Cameron,
kulankaas oo ay kaga wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga labada dal.
Dhaqanka Soomaaliya oo kor loo qaadayo
Xarunta
degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir ayaa 19kii July 2015 lagu
qabtay munaasabad lagu weynaynayay Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo
ay ka qeybgaleen maamulka Degmada, mas’uuyiin katirsan Wasaarada
Arrimaha Gudaha iyo qeyba kale duwen ee Bulshada degmadaasi ku nool.
Faniinta Kooxda Banaadir-band ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan ka
tarjumeysa dhaqanka, waxaana qeybahii kala duwenaa ee ka qeyb galay
bandhigaasi ay wajiyadooda ka muuqatay farxadda ku aadan Munaasabadda
Ciidda ee bandhig faneedkaasi. Cabdi Nuur Sheeq Axmed (Cabdi Dhaanto) oo
ka mid ah fanaaniinta Kooxda Banaadir Band ayaa sheegay in bandhigaas
ay ku talgaleen sidii Ummadda Soomaaliyeed loo fahamsin lahaa ahmiyadda
bulshada ay u leedahay weyneynta cayaaraha dhaqanka Soomaaliyeed.
Guddomiyaha Degmada Warta-Nabada Yasiin Nuur Ciise ayaa sheegay in
maamulka degmadu uu ka shaqeyn doono isku xirka bulshada degmada ku nool
iyo dib u soo nooleynta dhaqankeena. Afhayeenka Wasaaaradda Arrimaha
Gudaha iyo Faderaalka Cabdifitaax Daahir Mire ayaa bulshada iyo Maamulka
Degmada uga mahadceliyay qabsoomidda bandhig dhaqameedka.
Madaxweynaha GalMudug oo la caleemo-saaray
Madaxweynaha
Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka qeybgalay xafladda
celeemo-saarka Madaxweynaha cusub ee GalMudug Mudane Cabdikarin Xuseen
Guuleed. Munaasabadan oo degmada Cadaado ka dhacday 23kii July 2015 ayaa
waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha & Federaalka,
wasiiro, xildhibaano ka socda Dowladda Federaalka, Madaxweynaha Maamul
Goboleedka Koofur Galbeed, Ergeyga Gaarka ah ee QM, Safiirada Midowga
Yurub, Turkiga, Uganda iyo mas’uuliyiin ka socotay IGAD, Ethiopia iyo
diblomaasiyiin kale. Tallaabadan ayaa ah mid ay Dowladda Federaalka
horey ugu qaaday dhaqangelinta nidaamka Federaalka oo qeyb muhiim ah ka
ah hiigsiga 2016ka. Maamulka GalMudug ayaa ah mid ay dadka deegaanka ku
soo xusheen xubnaha baarlamaanka GalMudug isla markaasna ay si
dimoqraadiyad ah ugu doorteen Guddoomiye Baarlamaan, ku xigeenno,
Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa. Dowladda GalMudug ee Soomaaliya ayaa laga
sugayaa inay dardargeliyaan dhameystirka hay’adaha dowliga ah ee
GalMudug, dib u heshiisiin waarta iyo sidii shacabka deegaanka loo
gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horeyso amni, nabadeyn,
waxbarasho, caafimaad iwm.
DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, media@moi.gov.so
Tel. +252 61 2777736 Email: moabharr@gmail.com – Muqdisho -Somalia
Jamhuuriyadda Soomaaliya Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay{sawiro}
Mogadishu, 25 July 2015 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.