Dowladda Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Dowladda Djibouti geerida Danjire Roble Olhaye.

0
Sunday July 26, 2015 - 15:56:03 in Wararka by Maxamud Sh: Axmed
  • Visits: 1325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Dowladda Djibouti geerida Danjire Roble Olhaye.

    Muqdisho, July 26, 2015 - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed "

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, July 26, 2015 - Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer,Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed " Kadiye" , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Mudane,Ali Mohamed Ali ,Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Djibouti geeridii ku timid Allah u naxariistee Danjire Roble Olhaye oo 22 July 2015 ku geeriyooday dalka Mareykanka , isagoo ahaa Ergeyga Dowladda Djibouti u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee New York iyo Danjiraha u fadhiya Magaalada Washington .
Marxuum Roble Olhaye oo ka mid ahaa Safiirada khibradda dheer ee dalkaasi Djibouti ayaa lagu xasuustaa kaalintiisa muuqata ee uu ka qaatay xal u raadinta wadamo qalalaase siyaasadeed iyo ammaan uu ka jiray oo ay ka mid tahay Haiti .

Haddaba, annagoo ka murugeysan , kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto,qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, qoyskiisa , eheladdiisa iyo asxaabtiisana Sabar iyo Iimaan ka siiyo - Aamiin.


NNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip