Madaxweynaha Kenya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya oo ku labisan hido iyo dhaqan (Sawiro)

0
Tuesday August 04, 2015 - 07:38:45 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya oo ku labisan hido iyo dhaqan (Sawiro)

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqaha aqoonsi ee danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya, kadib munaasabad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta waraaqaha aqoonsi ee danjirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u magacawday dalka Kenya, kadib munaasabad ka dhacday Aqalka Madaxtooyada Nairobi.

Jamaal Maxamed Xasan ayaa noqonaya Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona magaalada Nairobi, waxaana uu ka hor akhriyay Madaxweynaha Kenya hortiisa warqada magacaabistiisa.

Amb. Jamaal ayaa sheegay inuu xoojin doono xiriirka labada dal ee Kenya ee deriska la ah, isagoo ka mahad celiyay madaxweynaha Kenya waraaqihii uu ka guddoomay.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u jooga Kenya Amb. Jamaal ayaa waxaa uu labisnaa dharka dhaqanka, waxaana uu ka duwanaa Safiiradii uu qaabilayay Madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale waraaqaha aqoonsiga waxaa uu Aqalka Madaxtooyada Nairobi uga guddoomay Safiirada wadamada Israel, Ukraine, Zambia iyo wakiilo kale.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee KenyaLucas Kyonze Tumbo.

Danjire Jamaal ayaa bedelay Maxamed Cali Ameeriga oo muddo sideed sano ahaa Safiirkii Soomaaliya u fadhiyayNairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii April u magacawday Jamaal, waxaana uu ka mid ahaa dhowr safiir oo dowladdu u magacawday dalal dhowr ah, waxaa uu horay ula soo shaqeeyay Safaarada Mareykanka Nairobi qeybta Soomaaliya.

jamal (5) jamal (1) jamal (2) jamal (3) jamal (4)

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip