Puntland:"Caqabadaha Kajira Gobolada Dariska Waxaa Laga Soo Abaabulaa Muqdisho"

0
Sunday August 16, 2015 - 08:54:21 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland:"Caqabadaha Kajira Gobolada Dariska Waxaa Laga Soo Abaabulaa Muqdisho"

    Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka shaqeyneyso Cadaalad darri isagoo xusay in si siman aysan ugu qeybinin deeqaha ay ka heesho Caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland Cabdi Cali Xirsi Qarjab ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ka shaqeyneyso Cadaalad darri isagoo xusay in si siman aysan ugu qeybinin deeqaha ay ka heesho Caalamka.

Cabdi Xirsi Wasiirka Amniga Puntland ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Kaalmooyinka dowladdu ka hesho beesha Caalamka ay gaarsiiso Gobollada qaarkood halka kuwa kalana aysan arkin deeqahaasi.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Puntland ayaa tilmaamay in deegaanada iyo Gobollada dariska la ah Puntland in ay ka jiraan caqabado ay deegaanadaasi kala kulmaan isagoo tibaaxay in caqabadahaasi aysan wadin dadka ku dhaqan deegaanadaasi balse laga soo abaabulo sida uu hadalka u dhigay , caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Eedeymahaan ee Wasiirka Amniga ee Maamulka Puntland u jeediyay dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud ka gudbiyeen iyagoo xildhibaanada Madaxweynaha ku eedeeyay in uu dib u dhac ku keenay dalka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip