Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogaga dhowaaqayo heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay beelo dega deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ka socotaa degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.
Munaasaabadan ayaa waxaa ka qeybgalaya guddoomiyaha gobolka Banaadir General Xasan Maxamed Xuseen Muungaab,guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen Cali Guudlaawe, qaar ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe,Duubab dhaqameedyo,nabadoono iyo waxgarad kale.
Khilaaf soo kala dhex galay labadan beelood ayaa sababay in ay ku dhintaan dad ku dhow toban ruux ayna qoysas badan ku barakacaan. Wadahadlo socday muddo toddodaab ah ayaa labadan beel waxa ay ka heshiiyeen khilaafka soo kala dhex galay oo asalkiisu ahaa dhul.
Qodobada heshiiska ayaa lagu wadaa in goor dhow loogaga dhowaaqo degmada Warshiikh iyadoo ay goobjoog ka yihiin mas’uuliyiin iyo oday dhaqameedyo.
Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabellaha Dhexe maanta waxaa lagu wadaa in lagu soo Afjaro Colaad mudo u dhaxeeysay Beello wada daga Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabellaha Dhexe,waxaana halkaa maanta la filayaa in Heshiis lagu kala saxiixdo.
Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Cali C/llaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Odayaal ka tirsan Labada Dhinac ayaa manta taday Degmada warshiikh ee Gobolka Shabellaha Dhexe ,kuwaa oo Goobjoog ka noqonaya Heshiiska.
Beelaha ku dagalamay Degmada Warshiikh ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa dhowr Jeer loogu baaqay in ay Nabad qaataan oo ay ka Tanasulaan dagaalkan.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha Wararkayaga Dambe Insha Allah
Munaasabad loogaga dhameenayo khilaaf u dhexeeya labo beel oo ka socota degmada Warshiikh
Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo loogaga dhowaaqayo heshiis laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay beelo dega deegaano ka mid ah gobolka Sh/dhexe ayaa waxa ay ka socotaa degmada Warshiikh ee gobolka Sh/dhexe.