Yaa Iibsaday Gobolka Shabeelada Dhexe?. (Warbixin).

0
Sunday August 30, 2015 - 00:00:36 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Iibsaday Gobolka Shabeelada Dhexe?. (Warbixin).

    Tan iyo markii la shaaciyay in maamul goboleed loo sameen doono shacabka dega labada gobol ee deriska ah ee Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa waxa soo baxay guux xoogan oo arintaa la xiriiro.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii la shaaciyay in maamul goboleed loo sameen doono shacabka dega labada gobol ee deriska ah ee Shabeelada dhexe iyo Hiiraan ayaa waxa soo baxay guux xoogan oo arintaa la xiriiro. Siyaasiyiin kala aragti ah ayaa shirar kala duwan ka yeeshay arintaan iyagoo qaarna soo dhaweeyay halka qaar kale ee arintaan aad uga soo hor jeesteen.
Qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeday gobolka Hiiraan ayaa ku dooday in gobolka Hiiraan uu istaahilo inuu gooni u istaago bacdama uu gobolka leeyahay dhul iyo kheyraad ku filan isla markaana ubaahneen inuu la midoobo gobol kale gaar ahaan Shabeelada Dhexe.

qeyla dhaanta siyaasiyiintaani oo ruxday madaxtooyada Soomaaliya ayaa marki danbe waxey siyaasiyiintaan qeyb ka noqdeen mowshinka ka dhanka ah madaxtooyada ee lagu doonayo in xilka looga tuuro madaxweynaha, mowshinkaani oo ee ku shirkoobeen siyaasiyiin kala aragti ah balse xiligaani aragti mid ah ka qaba madaxtooyada Soomaaliya

Madaxtooyada ayaa kaga jawaabtay arintaani in siyaasiyiinta reer Hiiraan ee ku abaal mariyaan wax kasta oo ee ku qanci karaan iyadoo loo fiirin cawaaqib xumada ka dhalan karto marka laga reebo qeylida siyaasiyiinta oo hakad geli doono.

Talaabada madaxtooyada ee ku dooneyso iney ku qanciso siyaasiyiintaani ayaa sidoo kale waxa door muhiim ah ka ciyaaray odoyaasha dhaqanka ee kasoo jeedo gobolka Shabeelada dhexe kuwaasi oo iyaga iyo madaxtooyada oo ka faa'iideesanayo shacabka iska hurda ee Shabeelada dhexe waxey kuheshiiyay in gobolka Shabeelada dhexe hadiyo ahaan loo siiyo reer Hiiraan iyadoo hanaanka maamul ee loo sameyn doono labada gobol ee awood qeybsi ahaan 70% la siiyo reer Hiiraan halka inta soo hartay ee 30% la siiyo shacabka Shabeelada dhexe.

Awood qeybsigaani ku dhisan eexda iyo cadaala darada oo marnaba eesan dooran shacabka walaalaha ah ee wada dega labada gobol ayaa hadana waxey tani shaki iyo qilaaf xoogan dhax dhigi doontaa beelo walaalo ah balse ee hogaaminayaan siyaasiyiin madax martay sad bursi iyo cadaalo daro.

Dhaq dhaqaaqa madaxtooyada oo durba kiciyay dareenka shacabka iyo madaxda gobolka Shabeelada dhexe ayaa waxa gudaha iyo dibada dalka ka bilowday shirar arintaani looga jawaabayo iyadoo sidoo kale uu ee madaxtoyada galaagal xoogan ee kujirto sida ee umeel mari laheed in gobolka Shabeelada dhexe hadiyo ahaan loo siiyo Reer Hiiraan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hore ugu fashilantay in gobolada dhexe ee kadhisto maamul ee udhan yihiin dadka deegaanka iyadoo ilaa iyo hada ee ku guuleesan la'dahay in Culuma'udiinka ahlusunah ee kataliso magaalada Dhuusa Mareeb ee ku qanciso heshiis ee lagalaan maamulka Guuleed.

Hadaba maamulka dhawaan loo dhisi doono gobolada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe ma waxa uu noqon doonaa mid dadka deegaanka ee iyaga soo doortaana mise waxa uu noqon doonaa cadaalo daro madaxtooyada laga soo abaabulo isla markaana aan ka shaqeyn gudaha shacabka goboladaasi?.

Maxamed Maxamuud Ow- Aadan.
Jowhar-Shabeelada Dhexe.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip