XOG:-Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn xoogan oo ka dhacday Gobolka Mudug

0
Tuesday November 20, 2018 - 08:43:16 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOG:-Wararkii ugu dambeeyay Duqeyn xoogan oo ka dhacday Gobolka Mudug

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeyn xoogan ka fuliyay deegaanka Maamiye oo u dhaxeeya deegaanada Ceel-huur Iyo Camaara oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya diyaarado dagaal oo duqeyn xoogan ka fuliyay deegaanka Maamiye oo u dhaxeeya deegaanada Ceel-huur Iyo Camaara oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug.

Duqeyntaas ayaa waxaa la sheegay in lalal eegtay Saldhig dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay ku leeyihiin halkaasi,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa u sheegay inay maqlayeen Jub culus oo ku dhaceysa Saldhiga Al-shabaab ee Deegaanka Maariye oo ka tirsan Degmada Xarardheere ee Gobalka Mudug,sidoo kelana ay arkayeen Holac iyo Qiiq ka baxaya gudaha Saldhiga.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in Gawaari ay leeyihiin Al-Shabaab xiligaasi ay ku sugnaayeen meel u dhow Saldhiga laga fuliyay duqeynta.

Saraakiil ku sugan Gobalka Galgaduud ayaa tilmaamay in Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka Maariye diyaarado dagaal ay duqeyeen.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka bixiyaan sida uu u dhacay Howlgalka iyo Khasaaraha ka dhashay.

Degmooyinka Jilib iyo Bu’aale oo ka tirsan Gobolada Jubbada Hoose iyo Jubbada dhexe oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa xili habeen ah 17-dii Bishaan ka dhacay howlgal kan oo kale ,waxaana fuliyay Ciidamo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip