Xariga Wariyayaashi Universal TV oo qilaaf dhax dhigay Madaxda dowlada

0
Monday October 05, 2015 - 21:29:52 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xariga Wariyayaashi Universal TV oo qilaaf dhax dhigay Madaxda dowlada

    Masuuliyiinta ugu sareysa DF ayaa hada u muuqda kuwo isku khilaafsan xariga ay NISA kula kacday 2 kamid ah wariyaasha TV-ga Universal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta ugu sareysa DF ayaa hada u muuqda kuwo isku khilaafsan xariga ay NISA kula kacday 2 kamid ah wariyaasha TV-ga Universal.


IMG_5358Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho, ayaa ayaa sheegay in xariga wariyeyaasha ay ka warqabaan, isla markaana sharciga lala tiigsan doono

"Arrimaha xariga waxbaan ka ognahay, cidkasta oo dambi gasha lama cafinayo, dhowr jeer oo hore digniin ayaa la siiyay oo ciidanka amiga u digeen, wayna ka dhaga adeegeen, dhago adeeega waxa uu u keenay inay waxa ay iyagu rabaan unbay sii daayeen, marka dood wadaag la qabanayo hal dhinac oo kaliya lagama eego oo waa in la helo sharci, sharciga saxaafadda idinka ayaaba iga garanaya, marka sharciga ayaa lala tiigsanayaa” ayuu yiri Wasiiru-dowlaha Warfaafinta.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa ka Warbixiyay kulamo uu dalka Kenya kula soo qaatay qaar ka mid ah hay’adaha taageera Soomaaliya, isgoo dhanka kale ka hadlay xariga Wariyaasha Universal TV.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Mareeye” oo maalmahaan safara shaqo ugu maqnaa dalka Kenya , isla markana maanata dib ugu soo laabatay dalka ayaa markii uu kasoo dagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde waxaa ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda Wafaarinta iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay gudaha garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa sheegay in mas’uuliyiinta hay’adaha uu la kulmay ay isku afgarteen waxyaabo badan oo ay ka midtahay inay xoojiyaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya.

"Sii xoojinta xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo hay’adaha aan la kulmay ayaan kaga wada hadalnay, waxaana si gaar ah isku afgaranay horumarinta Warbaahinta dalka,

Wasiir Maareeye oo ka hadlayay xariga Agaasimaha Universal TV ee Soomaaliya Cabdullaahi Xirsi Kulmiye iyo Cawil Daahir Salaad ayaa sheegay in falka lagu xiray uu dhacay isaga oo dalka ka maqan, isla markaana xogwareysi uu la yeelan doono hay’adaha amniga iyo madaxda Wasaaradda, isla markaana uu xooga saari doono sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip