Dowlada Denmark oo markale shuruudo ku xirtay qaadashada jinsiyada dalkaasi

0
Thursday October 15, 2015 - 19:25:21 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1637
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Denmark oo markale shuruudo ku xirtay qaadashada jinsiyada dalkaasi

    Dowlada Denmark ayaa shaacisay qorshe cusub oo ay ku adkaynayso qaadashada dhalashada wadankaasi. Dowlada ayaa sheegtay in baasaboorka wadanka Denmark uu yahay mid qiimo badan sidaa darteed ay waajibtahay in la siiyo qofka mudan oo keliya. Dadka doon

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Denmark ayaa shaacisay qorshe cusub oo ay ku adkaynayso qaadashada dhalashada wadankaasi. Dowlada ayaa sheegtay in baasaboorka wadanka Denmark uu yahay mid qiimo badan sidaa darteed ay waajibtahay in la siiyo qofka mudan oo keliya. Dadka doonaya in ay qaataan baasaboorka ayaa lagu xiri doonaa shuruudo adag oo xaga dhaqaalaha iyo luuqada ah.

Waxaa waajib noqon-doonta qofka in uu shaqeeyay ugu yaraan 4 sano iyo 6 bilood ee ugu dambaysay. Waxaa sidoo kale dadka laga qaadi doonaa imtixaan 40 su’aalood ah oo la xiriira dhaqanka, siyaasada iyo taariikhda Denmark oo ugu yaraan ay waajibtahay in uu keeno qofka 32. Dadka dambiyada galay ayaa la kordhin doonaan waqtiga ay sugayaan.

Sharciyada cusub ayaa dhaqan gali doonaa 15 bishaan Oktober.

Denmark ayaa bilihii la soo dhaafay ku dhaqaaqday ficilo kala duwan oo ay ku adkaynayaan qaabilaada qaxootiga iyo in marka hore laga hortago in aysan wadanka soo galin. Lacagtii la siin jiray magangalyo doonka oo ahayd 1 627$ iyadoo hada laga dhigay 892$ oo keliya.

Denmark ayaa xitaa xayeysiin ku samaysatay wargeysyada ka soo baxa Lebanon kuwaasoo ay ku sheegayaan in dalkooda aysan imaan soo galootiga oo lacagtii la dhimay.


Somaliska
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip