Kooxo hubeysan oo xalay Ganacsade Soomaali ah ku Toogtay Dulleedka Magaalada Cape-town

0
Thursday October 22, 2015 - 00:00:03 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxo hubeysan oo xalay Ganacsade Soomaali ah ku Toogtay Dulleedka Magaalada Cape-town

    Kooxo hubeysan ayaa xalay ganacsade Somali ah oo lagu magacabi jiray, Cabdullaahi Weydoow ku dilay dukaan uu lahaa ku yaalla deegaanka Khayelitsha - magaalada Cape-town ee waddanka Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo hubeysan ayaa xalay ganacsade Somali ah oo lagu magacabi jiray, Cabdullaahi Weydoow ku dilay dukaan uu lahaa ku yaalla deegaanka Khayelitsha - magaalada Cape-town ee waddanka Koonfur Afrika.
Guddoomiye ku xigeenka ururka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cape-town ee (Save Somali community), Yuusuf Cumar Axmed ayaa  sheegeay in toogashada xalay loo geystay ganacsadaha Soomaaliyeed ay geysteen kooxo burcad ah oo madow ah.

"Dableydu waxay marxuumka la dhaceen rasaas fara badan xilli uu ku sugnaa dukaan uu lahaa lahaa, waxayna sidoo kale dhaawaceen mid ka mid ah dhallinyaradii la shaqeynayay. Waxaana xusid mudan in toddobadkii hore ganacsad kale lagu dilay isla Khayelitsha, kaas oo lagu magacabi jira Axmed Barkhadle,” ayuu yiri Yuusuf Cumar .

Sidoo kale, Yuusuf Cumar ayaa u sheegay HOL in kooxo burcadda ah oo hubka fudud ku hubeysana ay u suuro-gashay inay dhacaan dukaankiisii, iyagoo ka qaatay lacaga, kaararka telefonnada iyo sigaar, kaddibna way ka baxsadeen goobta.

Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa xilliyadii lasoo dhaafay kusoo badanayay kooxaha burcadda ah ee cadeeystay dhaca dukaammada Soomaalida iyo ajaanibtu ay ku leeyihiin dalkaas, iyagoo fuliyay weerarro dhimasho iyo dhaawac sababay, iyadoo bishan oo keliya lagu dilay gobollada dalka Koonfur Afrika illaa 11 Soomaali ah oo isugu jiray ganacsato iyo shaqaale dukaannadooda ka shaqeynayay.

Ugu dambeyn, dhammaadka sannad walba ayaa waxaa ka dhaca Koonfur Afrika dilalka ajaanibta, iyadoo kooxaha burcada ah ay beegsadaan ganacsiyada ay ajaanibtu ku leeyihiin deegaannada isku-rararanka ah si ay u helaan lacago ay ku tuntaan inta lagu jiro dabaal-dagyada Christmas-ka ee dhammaadka sannadka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip