W. Maaliyadda XFS ayaa maanta furay shir is xog waraysi ah oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada dalka

0
Sunday November 01, 2015 - 03:45:32 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    W. Maaliyadda XFS ayaa maanta furay shir is xog waraysi ah oo ay ka soo qayb galeen Wasiirada Maaliyadda ee Maamul Goboleedyada dalka

    .Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim "Fargeeti" ayaa maanta Muqdisho ka furay shir balaaran oo Wasiirada Maaliyadaha ee Dowlad Goboleedyada dalka lagu marti qaaday, kaas looga arinsanayey sidii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Ibraahim "Fargeeti" ayaa maanta Muqdisho ka furay shir balaaran oo Wasiirada Maaliyadaha ee Dowlad Goboleedyada dalka lagu marti qaaday, kaas looga arinsanayey sidii loo wada shaqayn lahaa, laysuna dhaafsan lahaa xogaha ku aadan arrimaha maaliyadda dalka.

Wasiir Fageeti oo furitaankii shirka khudbad dheer ka jeediyay ayaa sheegay in kulankaan kii ka horeeyey uu ka dhacay magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, shirkaan maantana uu yahay mid is xog waraysi ah.

"Waxaan aad ugu mahad celinayaa wasiirada Maamul Goboleedyada oo soo ajiibay martiqaadka Dowladda, ujeedaduna ay tahay in aan muujino waajibka inaga wada saaran shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan” ayuu yiri Wasiirka Maaliyada Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inta uu soconayo shirkaan in laga doodi doono qaabka ugu haboon ee loo wanaajin karo hanaanka maaliyadda dalka, iyadoona Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudne Fargeeti uu tilmaamay inuu rajo weyn ka qabo inay shirka ka soo baxaan qodobo wax ku ool ah.

"Maanta waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay, una soo dhaweynyaa kulankaan oo aan filayo waxbadan inaan uga doodi doono ayna ka soo bixi doonaan go,aanno wax ku ool ah. Ka Dowlad ahaan waxaa mar walba naga go,an inaan gacan ka geysano horumarka bulshada Soomaaliyeed” ayuu markale yiri wasiirku.

Wasiiradda ka socday maamul goboleedyadda ayaa dhamaantood soo dhaweeyey shirkaan, kuna tilmaamay inuu wax weyn ka tari doono sidii laysaga kaashan lahaa dajinta miisaaniyadaha, isku xirka canshuuraha dalka iyo ka fa’iidaysiga mashruuca Maamulka Maareynta Maaliyadda (PFM) oo hada ka hirgalay gobolada qaar, iyo sidii loo gaarsiin lahaa goboladda dhiman.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip