Mashruucan oo lagu dhisayo wado dheer oo jaay ah taas oo ka bilaabanaysa deeegaanka Ceelmacaan ilaa Degmada Warsheekh ayaa waxaa dhagax dhigay guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo ay wehliyaan mas'uuliyiin kale oo maamulka ka mid ah.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa sheegay in ka maamul ahaan ka shaqaynayaan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana dhismaha aad usoo dhaweeyay shacabka isticamaala wadadaasi oo marki hore ku rafaadsanaa isitcmaalkeeda.
Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) Gudoomiyaha degmada Warsheekh ayaa isna madasha ka hadlay,waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay bilowga mashruucaan,isagoo bulshada ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan hormarinta degmada iyo kan gobolkaba.
Gudoomiye Axmed Shiidka ayaa faahfaahin ka bixiyay wadadan iyo meelaha la qorsheeyay inay marto, waxaana uu sheegay in wadadaan oo ka bilaabata Ceelmacaan ay marayso degmada Warsheekh, iyadoo aadi doonta dhinaca degmada Cadale.
Hadaba wadadaani ayaa waxaa wajiga koowaad la dhisayaa 42 km, taas oo ku eg Ceelbashay oo ah xuduuda Degmada Warsheekh iyo Degmada Cadale, waxa uuna maamulka degmada Warsheekh ka codsanayaa dadweynaha inay ka shaqeyaan nabadgalyada kana faa’ideystaan wadada loo dhisayo.
Ugu dabmeyn, bilaabashada dhismaha wadadan oo loo arko inay tahay mid muhiim ah u ah degmada Warsheekh, iyadoo bulshada degmada Warsheekh aya soo dhaweeyeen arinkan,waxa ayna balan qaadeen in ay gacan ka geysan doonaan mashruucaan dhammeystirkiisa.
Maamulka Degmada Warsheekh iyo Kan Gobolka Oo Wado Jaay ah Dhagax Dhigay (Sawiro+Video)
Mashruucan oo lagu dhisayo wado dheer oo jaay ah taas oo ka bilaabanaysa deeegaanka Ceelmacaan ilaa Degmada Warsheekh ayaa waxaa dhagax dhigay guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo ay wehliyaan mas'uuliyiin