Sweden oo aqoonsatay guurka gabar 14 sano jir ah, hadana ka laabatay

0
Sunday December 06, 2015 - 02:06:12 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sweden oo aqoonsatay guurka gabar 14 sano jir ah, hadana ka laabatay

    Degmada Göteborg ayaa ogolaatay guurka gabar 14-sano jir ah oo qaxooti ku soo gashay Sweden sida ay soo qortay idaacada Ekot. Arintaan ayaa la'yaab ku noqotay shacabka Sweden maadaama sharciga wadanka u mamnuucaya guurka dadka ka yar 18-san

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmada Göteborg ayaa ogolaatay guurka gabar 14-sano jir ah oo qaxooti ku soo gashay Sweden sida ay soo qortay idaacada Ekot. Arintaan ayaa la'yaab ku noqotay shacabka Sweden maadaama sharciga wadanka u mamnuucaya guurka dadka ka yar 18-sano.


guurka-14-sano-jir


Gabadha yar oo 14-sano jir ah ayaa la sheegay in uu qabo nin 21-sano jir ah oo ay Sweden soo wada-galeen. Markii ay iska dhiibeen wadanka ayaa xitaa ninkaan iyo gabadha uu qabo isku-meel la dajiyay. Socialtjänsten oo ah hay’ada Sweden u qaabilsan daryeelka caruurta ayaa arintaas aad uga soo horjeesatay.

Maadaama guurka gabadhaan iyo ninkeeda uu ka dhacay dibada Sweden ayay Sweden aqoonsantay, iyadoo xitaa markii ay sharciga qaateen ay guurkooda ka diiwaan galiyeen Skatteverket oo aqbashay. Laakiin arintaas ayaa hada dood ka timid maaadaama Sweden ay sanadkii 2009 sharciga adkaysay oo la sheegay in aan la aqbali karin guurka ka yar 15-sano xitaa haddii uu wadan kale ka dhacay.

Per Skogh oo ah qareen ka shaqeeya Skatteverket ayaa aaminsan in ay qalad ahayd in la aqoonsado guurka gabar 14-sano jir ah oo caruur ah. Arintaan ayuu sheegay in ay qalad ku dhacday.

Ka dib markii ay Socialtjänsten cadaadis saartay kamuunka ay gabadha iyo ninkeeda deganyihiin isla markaana ay daba-gal ku sameeyeen arintaan, ayaa hada Skatteverket ay go’aan ku gaadhay in ay ka laabato aqoonsiga guurka isla markaana la kala raray lamaanaha.


Somaliska

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip