Migrationsverket oo sheegtay in sharciga laga ceshanayo cidii u safarta Somalia

0
Wednesday December 23, 2015 - 03:30:30 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Migrationsverket oo sheegtay in sharciga laga ceshanayo cidii u safarta Somalia

    Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa ii xaqiijisay in ay wax ka badaleen aragtidooda ku aadan safarka dadka qaxootiga wadanka ku jooga ee u safraya dalkoodii hooyo. Inkastoo sharci ahaan ay horay mamnuuc u ahayd in qof uu ku laabto wadanki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa ii xaqiijisay in ay wax ka badaleen aragtidooda ku aadan safarka dadka qaxootiga wadanka ku jooga ee u safraya dalkoodii hooyo. Inkastoo sharci ahaan ay horay mamnuuc u ahayd in qof uu ku laabto wadankii uu ka soo cararay ayaysan hadana Laanta Socdaalka sidaas isugu hawli jirin arimahaas balse hadda ayay u soo jeesteen dadka u safraya wadankii hooyo.


Gacanyaraasha Laanta Socdaalka ayaa ii sheegay in ay hadda adkeeyeen sharciga oo qofkii u safra wadanka Somalia isaga oo qaxooti ku jooga Sweden sharciga lagala laaban doono. Waxay intaas ku dareen in baasaboorka yar ee loo yaqaan (Främlingspass) hadda la siiyo Somalida oo keliya oo aan qaxootiga kale la siin, iyadoo Soomaalida baasaboorkaas haysata iyo midka Geneva ay mamnuuc ka tahay in ay Somalia booqdaan.

Intaas waxay ku dareen in guud ahaan Somalia aysan kala sooc la hayn oo koonfurta iyo waqooyiga labadaba uu sharcigaan qabanayo. Arintaan ayaa culeys weyn ku ah Soomaalida doonsaysa in ay booqato qaraabadooda ku nool Somalia. Qofka doonaya in uu Somalia booqdo ayaa ku qasban in uu maro wadamada dariska ah si uu isaga ilaaliyo wax dhibaato ah. Qofka haysta baasaboorka weyn ama dhalashada Sweden ayaan isaga wax dhibaato ah la kulmeyn.


Somaliska
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip