Munaasbad ay kasoo qeybgaleen kumanaan isugu jiro madax culimo iyo shacab lagu xusayay Dhalashada Nabiga NNKH ayaa lagu qabtay Magalada Muqdisho (Sawiro)

0
Thursday December 24, 2015 - 17:30:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2585
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasbad ay kasoo qeybgaleen kumanaan isugu jiro madax culimo iyo shacab lagu xusayay Dhalashada Nabiga NNKH ayaa lagu qabtay Magalada Muqdisho (Sawiro)

    Munaasabadan oo aheed tii ugu balarneed oo mar qura isugu yimaadiin howl ee ku wada kulmeen madax iyo shacab isla markaana lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH ayaa maanta lagu qabtay magaal ada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadan oo aheed tii ugu balarneed oo mar qura isugu yimaadiin howl ee ku wada kulmeen madax iyo shacab isla markaana lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH ayaa maanta lagu qabtay magaal ada Muqdisho.

Munaasbaadaani ayaa madaxdi kasoo qeybgashay waxa kamid ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ku xigeenkiisa koowaad iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano iyo hogaamiyayaal kasocday culuma’udiinka ahlusunah Waljamaac iyo kumanaan kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed.

Ugu horeyn xaflada ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan C/qaadir Macalim Nuur oo kamid ahaa dadkii soo qaban qaabiyay munaasabadda lagu xusayay dhalashada nabigeena Muxamed ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta dowladda ee ka soo qeybgashay sida ay ahmiyad weynu siiyeen xafladan.

Wasiirka diinta iyo Owqaafta ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/qaadir Sheekh Cali Bagdaadi oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ahmiyad weyn u leedahay dhamaan muslimiinta in ay bartaan taariikhda nabigeena Muxamed NNKH.

Guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari” ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in dadka muslimiinta ay isku booriyaan jeceylka nabigeena iyo barashada taariikhdiisa si dadka ay u noqodaan kuwo markasta qalbigooda ka buuxsanto jeceylka nabigeena Muxamed NNKH.

Mudane Jawaari ayaa ka hadlay dhibaatada ay leedahay dowlad la’aanta isagoo sheegay in ay xaaraam tahay in qof muslim ah dhiigiisa la daadiyo sabab la’aan.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Rabiicul Awal ayaa guud ahaan dunida muslimka laga xusayay dhalashada nabigeena Muxamed NNKH iyadoo magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka lagu qabtay xafladahaasi

WAR-SAXAAFADEED

DABBAALDAGGA XAFLADDA

DHALASHADA NABIGA (NNK)

Tr;24/12/2015

Guddiga qaban qaabada xafladda mawliidku waxay ummadda soomaaliyeed

Meel kasta oo ay joogto u dirayaansalaam iyo duco waxayna kusoo dhaweynayaan farxada iyo dabaal dagga dhalashada Rasuulka Muxamad ah NNK oo ku began 12 Bishaan Rabiicul awal ama Bisha Mowliid

Fariinta ay Xafladda mawliidku sanadkaan Xambaarsan tahay

1.In Ummadda Soomaaliyeed Ilaahooda u Towbad keenaan, Ilaahood Gacmaha uhoorsadaan, is cafiyaan, wadan ducaystaan si ay uga badbaadaan dhibka

2.In Soomaalidu meel kasta oo ay joogto haday tahay Dawladda Federaalka ah, Dawlad goboleedyada NGOyada, iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay maalinta xaflada mawliidka u asteeyaan ama u aqoonsadaan maalin qaran, masaakiintana laga farxiyo.

3.In madaxda soomaaliyeed iyo shacabkuba ay kuwada dadaalaan in marxaladda kala guurka ah looga gudbo si is-fahan iyo wadatashi ah kana fogaadaan wax kasto oo keeni kara khilaaf iyo gacan ka hadal.

4. waxaan mahad weyn ucelinaynaa Alle ka sokow Madaxda Dowladda, madaxda maamul goboleedyada, shacabka soomaaliyeed iyo cid kasta oo gacan kageysatay in xaflada mowliidku si wanaagsan u qabsoonto.

5. Inay umadda soomaaliyeed meel kasta oo ay ku noolyihiin ilaaliyaan diintooda dhaqankooda suuban calankooda ciidooda iyo walaal nimadooda ayna ka fogaadaan sadbursiga, faquuqa, musuq maasuqa IWM

Ugu dambeeyntii waxoo gudiga qaban qaabada xaflada mowliidku asagoo ku hadlaaya magaca culimada iyo shacabkaba Ilaahay ka baryayaan in sanadkaan sanadkiisa ay Soomaaliya noqoto mid nabad ah , dhan walbana ka hormarsan

Aamiin………Aamiin………..Aamiin

Wabillaahi Towfiiq

Gudiga Qaban qaabada Xaflada Mowliidka



Xafiiska Shabakada Warsheekh
E-Mail: Warsheekh10@hotmail.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip