Ma run baa In maamulada G-Dhexe iyo Ahlusunah lagu heshiisiin doono Nairobi? (Warbixin)

0
Thursday December 31, 2015 - 03:10:20 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1704
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma run baa In maamulada G-Dhexe iyo Ahlusunah lagu heshiisiin doono Nairobi? (Warbixin)

    Madaxweynaha dowlad Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo maalmahaan ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa wada kulamo uu halkaasi kula yeelanayo madaxda Beesha Caalamka ee Nairobi fariisinka u ah iyo Safaaradaha dowladaha arrimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo maalmahaan ku sugan caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa wada kulamo uu halkaasi kula yeelanayo madaxda Beesha Caalamka ee Nairobi fariisinka u ah iyo Safaaradaha dowladaha arrimaha Soomaaliya daneeya ee Nairobi ku yaala. Madaxweynaha ayaa waxa uu hotelka uu degan yahay ku qaabilay Hogaamiyaha aqlabiyada Barlamaanka Kenya haysta Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, waxayna labada masuul Qado kadib wada qaateen kulan dheer oo saacado socday oo ay labada dhinac ku gorfeeyeen xaalada xiligaan Soomaaliya ay ku jirto, doorashada 2016-ka, isku soo dhawaanshiyaha Ahlusunna iyo Galmudug iyo sidii heshiis buuxa oo aan soo laaban loogu gaari lahaa khilaafka Galmudug iyo Puntland ka dhaxeeya ee sababay dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay dowlada Kenya aad ugu dadaalayso taageerida dowlada Galmudug isla markaana kaalin xoogan ka cayaareyso wada-hadalsiinta Galmudug iyo Ahlusunna oo Toddobaadka soo socda bilaabmaya.

Madaxweynaha dowlada Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay inay dowlada Kenya ugu mahadcelinayaan taageerida ay Galmudug la garab taagan yihin, waxuuna sheegay inay Galmudug xiligaan cagta saartay wadadii Horumarka isla markaana ay ku dadaalayaan sidii maalmaha soo socda loo dhameyn lahaa khilaafka kala dhaxeeya culumada Ahlusunna Wal-Jameeca.

Si kastaba ha ahaatee, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in shir lagu wada hadalsiinayo Ahlusunna iyo Galmudug uu ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana la sugayaa madaxda Ahlusunna oo saacadaha soo socda gaaraya magaalada Nairobi.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip