Wariyaha Shabakada Warsheekh.com, Sayid Cabdi Warsame oo ka badbaaday isku day dil.

0
Friday September 28, 2012 - 08:07:09 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariyaha Shabakada Warsheekh.com, Sayid Cabdi Warsame oo ka badbaaday isku day dil.

    Wariyaha Shabaka Warsheekh ee magaalada Muqdisho, Sayid Cabdi Warsame oo ka badbaaday isku day dil. Wariye Saydi Cabdi Warsame oo kamid ah suxufiyiinta ka howlgashay xafiiska shabakada Warsheekh ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maalinti shalay ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wariyaha Shabaka Warsheekh ee magaalada Muqdisho, Sayid Cabdi Warsame oo ka badbaaday isku day dil. Wariye Saydi Cabdi Warsame oo kamid ah suxufiyiinta ka howlgashay xafiiska shabakada Warsheekh ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maalinti shalay ka bad baaday isku day dil oo lala damacsanaa isaga iyo koox kale oo suxifiyiin ah.
Wariye Sayid oo khadka Telefanka ugu waramayay Shabakada Warsheekh ayaa sheegay in asaga iyo sxbkiis Wariye Abdirahman Mohamed Ali ay kasoo bexeen Maqaaxi laga shaaheeyo oo ku taalo magaalada Muqdisho balse nasiib daro waxa isla markiiba weerar kusoo qaaday koox dabley ah oo kuhubeesan bistoolado isla markaana watay gaari nuuca raaxada ah .

Wariyaha ayaa yiri: " Waxaan anigu indhaheega saaray 2 nin oo afka soo duubatay kuna hubeysnaa Bastoolado, ayaa gaarigii kasoo degay kadibna nugu amray aniga iyo saaxibkee Marxuum Cabdiraxman inaan galno gaariga, Allaah unaxariistee Wariye Abdirahmaan ayaa galay gaarigii iyo mid kamid ah dableydi hasa yeeshe midki haray ayaa aniga bastooladii igu qabtay iguna armay in aan galo gaariga".

Wariye Sayid ayaa isaga oo tusaaleenayo sida uu ku bad baaday ayaa yiri: " Markii aan xaqiijiyay in ninkii kale gaariga galay ayaan hal lug ah inta la galay gaarigii kadibna sara jugle iskugu tuuray ninkii kale oo dhabarkeyga ku aadanaa taasoo keentay in uu dhulka ku dhoco aniguna aan cararo, hasa yeeshe ninki gaariga ku jiray ayaa markale xabado ila soo beegsaday balse ilaah ayaa iga samata bixiyay ".

Wariye Sayid ayaa ugu dambeenti shabakada Warsheekh u xaqiijiyay dilka Saaxibkiisa Marxuum Wariye Cabdiraxman Maxamed Xasan oo sida uu sayid inoo sheegay meydkiisa saakay oo taariikhdu tahay 27.09.12 laga helay isla  magaalada Muqdisho.

Wariye Cabdiraxman oo ahaa maamulaha Shabakada ka faaloota ciyaaraha ayaa noqonayo - wariyihii 5-aad oo 10 beri gudohood lagu dilo Magaalada Muqdisho, 20-kii bishaan ayay ahayd markii qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday Maqaaxida The Village ay ku geeriyoodeen 3 wariye.............

Magaalada Muqdisho ayaa kaga jirta safka hore liiska magaalooyinka ugu qatarta badan Caalamka kuwaasi oo falal arxan daro oo joogta ee ka dhacaan saacado gudaheed .

Xafiiska Shabakada Warsheekh ee Muqdisho.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip