Weerarada lagu qaadayo dumarka Muslimiinta oo soo badanaya

0
Tuesday January 12, 2016 - 02:47:52 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1755
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerarada lagu qaadayo dumarka Muslimiinta oo soo badanaya

    Ka dib doorashadii ka dhacday Sweden ee ay cunsuriyiinta heleen codod badan ayaa waxaa siyaaday weerarada lagu qaadayo dumarka muslimiinta ah ee xijaabka xiran. Isbuucii hore waxaa gabadhMuslimad ah oo ku nool degmada Värmdö ee ka tirsan St

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib doorashadii ka dhacday Sweden ee ay cunsuriyiinta heleen codod badan ayaa waxaa siyaaday weerarada lagu qaadayo dumarka muslimiinta ah ee xijaabka xiran. Isbuucii hore waxaa gabadhMuslimad ah oo ku nool degmada Värmdö ee ka tirsan Stockholm laysku dayay in Eey lagu weeraro.


Gabadhaanoo ka dib markii ay caruurteeda seexisay dibada u aaday hawo qaadasho ayaa nin cunsuri ah oo Eey wata uu sheegay in uu ka shakiyay oo uu doonayo in uu baaro, isagoo isku sheegay in uu boolis yahay. Gabadha Muslimada ayaa ka dalbatay in uu soo bandhigo kaarkiisa aqoonsiga booliska balse taas ayuu diiday, isagoo isku dayay in uu Eeyga cunsiiyo. Gabadha ayaa hoos telefoon booliska uga dirtay iyagoo si degdeg ah goobta ku yimid. Booliska ayaa gabadha Muslimada ah gurigeeda geeyay, iyagoo ninkiina saldhiga booliska la aaday.

Sidoo kale, isbuucaan waxaa la weeraray Fatima Ahmed oo aad sawirka ka aragtaan, iyadoo nin uu dhulka ku tuuray ka dibna ay wajiga ku dhufsatay laamiga. Ninka weeraray Fatima ayaa ka dib ku yiri hadalo aflagaado ah oo ka dhan ah Muslimiinta. Fatima ayaa sheegtay in ay booliska dacwad u gudbisay.

Weerarada iyo aflagaadada lagu samaynayo gabdhaha Muslimiinta ah ee xijaabka xiran ee ku nool Sweden ayaa soo badanaya, iyadoo cinqaabta ay la kulmayaan dadka weerada geysta aysan ahayn mid culus.


Somaliska


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip