Wararka aan ka heleyno Magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay dagaal ku qaadeen Magaalada Marko.
Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Alshabaab ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Marko oo ciidamada dowlada iyo AMISOM ay isaga baxeen maalin ka hor.
Dhawaqa rasaasta culus ee loo adeegsanayo dagaalka ayaa laga maqlayaa xaafadaha Magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada Alshabaab oo aan tiro badneyn ayaa shalay la wareegay gacan ku heynta Magaalada, maadaama aysan ciidamo ku sugneyn, waxaana soo baxaya siyaasad ka dambeysay bixitaanka ciidamada AMISOM.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhaxeeyo ciidamo qaab maleeshiyaad beeleed ahaan isku urursaday iyo Alshabaab, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.
Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay qeyb ka yihiin dagaalka halkaasi ka dhacaya, wallow aan la xaqiijin Karin.
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Marka
Wararka aan ka heleyno Magaalada Marko ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay dagaal ku qaadeen Magaalada Marko.