Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Hortagay Baarlamaanka

0
Sunday February 07, 2016 - 17:58:36 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Hortagay Baarlamaanka

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kadib markii Gudoomiye Jawaari uu ka aqbalay warqad codsi ah oo Xasan Sheikh kaga timid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa maanta hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kadib markii Gudoomiye Jawaari uu ka aqbalay warqad codsi ah oo Xasan Sheikh kaga timid.

Madaxweynaha oo qudbad dhinacyo badan taabaneyso u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbaday xildhibaanada marka hore iney ku kalsoonaadaan madaxda Soomaaliyeed oo iyaga ay doorteen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay iney ku kalsoonaadaan go’aanka dowlada Soomaaliya ay ka qaadatay nidaamka doorashada dhamaadka sanadkaan ka dhaceyso dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud wuxuu soo hadal qaaday xaaladaha dhanka Amaanka ee dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in horumar wanaagsan laga sameeyay sugida dhanka amaanka ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayuu ka dalbaday iney ka shaqeeyaan horumarinta howlaha horyaala oo uu sheegay iney muhiim u yihiin dalka Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip