Waxaa Xamar si qarsoodi ah ku yimid ( Warbaahinta Qaranka iyo Shisheeyaba looma sheegin ) Ergay Gaar ah oo ka socday Muxamed Ridaa Bahlawi ( Shaahii Iiraan ) wuxuu waday farriin ay saraakiisha difaaca Soomaaliyeed ku yara nasteen , Ergaygu wuxuu sheegay inuu Shaahu uu warbaahinta la hadli doono maalinta barri ah uuna u digi doono Itoobiya , asagoo u sheegi doona inaysan Iiraan daawan doonin haddii ay Itoobiya kusoo xad gudubto Xuduudda ay haattan Soomaaliya leedahay , Iiraan waxay markaas ka mid ahayd Xulufo u midoobay ka hortagga fiditaanka Hanti wadaagga waxaana ka mid ahaa Turkiga , Baakistaan iyo Ingiriiska .
Dawladda Maraykan oo Xariir aad u wanaagsan la lahayd Iiraan xiligii Shaah ayaa safiirkeedii xiligaas William Sullivan wuxuu kullan deg deg ah la yeeshay Shaahii iiraan , si loogu qanciyo Soomaaliya inay Itoobiya iska dayso nabad na la qaadato , wuxuu safiirku u kala dab qaaday iiraan iyo Itoobiya ( Xariir Caqiido ayaa Maraykan kala dhexeeya Itoobiya oo markaas ka mid ahayd Bahdii Hanti Wadaagga ) , waxaa laga yaabaa inaad is wadiiso Akhristoow F. Xiirane sidee waxaan oo dhan ku ogaaday , waxaan ka mid ahaa saraakiil farriimaha gaarka ah ka qaadda una keenta Madaxwayne Siyaad .
Abbas Ali Khalatbari wasiirkii Amuuraha Dibadda Iiraan ( 71 ilaa 78 ) iyo Feleke Gedle-Giorgis Wasiirkii Dibadda Itoobiya (77-83 ) ayuu u kala fariin gudbiyay William Sullivan inay ka wada hadlaan Caga juglaynta Iiraan , Xabashidu waxay u sheegeen Abbas inay diyaar u yihiin miiska wada xaajoodka , waxayse ka codsadeen inay Soomaaliya iska iliwdo kana noqoto Sheegashada Soomaali galbeed sidoo kale inay habboon tahay inay Callanka Soomaaliya wax laga badallo kaasoo Astaan u ah Midnimadda shanta Soomaaliyeed. Hadduu Calanka Soomaaliya Xidigta 5 Gees leh sii jiro Colaadda Geeska Afrikana way sii jiraysaa siday Itoobiya aamin san tahay .
Siduu Wasiirkii Dibadda ee Aljeeriya C/casiis Buutafliiqa ( Madax waynaha haattan ) usoo gudbiyay Soomaaliya wuxuu wasiirka Dibadda ee Itoobiya u sheegay Abbas
1. Inay Soomaaliya wali caraysan tahay colaadna ay maaggan yihiin ,
2. Ciidanka Soomaaliyeed wali waxay Garaacayaan Magaalooyin Itoobiya ah ,
3. Itoobiya ma doonayso Inay gudaha u gasho Soomaaliya sidoo kale Itoobiya ma sheeganayso ka maqan oo ay Soomaaliya haysatto .
Si wadahalku u furmo waa inay Soomaaliya
· Ciidankeeda kala Baxdaa Itoobiya ( Soomaali Galbeed ayay ula Jeedaan )
Arinta aadka u xiisaha badnayd waxay ahayd Itoobiyaanku waxay ka codsadeen Shaaha Iiraan inuu Soomaalida ku qanciyo in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isla qaattaan nadaamka dawlad wadaag (confederation ) hassa ahaatee Danjirihii Maraykan ayaa u sheegay Xabashida inay ka saaraan aragtidaas meesha wuxuuna ku andocooday inay Soomaalida inta dagaalka ka hartay ay kicin doonto .
Xasuustii F. Xiirane
Sarkaal (N.S.S 1976 – 1991)
fahiira@gmail.com
Xasuustaydii Nabad Sugiddii Soomaaliya (N.S.S 1976 – 1991) Q.4aad
Markay Ruushka, Kuubaanka, Yement , Liibiyaanka iyo Jarmal jabiyeen Xooggii Dalka Soomaaliyeed ee sida geesinimada ah uga adkaaday Xoogaggii Xabashida , waxaa nagu habsaday ceeryaamo ciil iyo caro , waxaa jiray Cabsi xoog ah oo ay saraakiisha Ammaank