SAAXIIB-KAY AYAA EMAIL, AAKHIRO IIGA SOO DIRAY !! W/Q:Qareen / Khadar Aar‏

0
Wednesday March 23, 2016 - 02:31:54 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2070
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAAXIIB-KAY AYAA EMAIL, AAKHIRO IIGA SOO DIRAY !! W/Q:Qareen / Khadar Aar‏

    Wakhti kasta oo aad firaaqo hayso waxa jeceshahay in aad Furato Computarkaga , adigoo raba Warar amma Barnamijyo adiga kuu gaar ah in aad ka fiirsato . hadaba markii u horaysay ee aad furtay Emailkagii ,si kadiisa ma u aragtay oo Isha ma ku dhufatay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakhti kasta oo aad firaaqo hayso waxa jeceshahay in aad Furato Computarkaga , adigoo raba Warar amma Barnamijyo adiga kuu gaar ah in aad ka fiirsato . hadaba markii u horaysay ee aad furtay Emailkagii ,si kadiisa ma u aragtay oo Isha ma ku dhufatay Email uu Akhiro kaga soo diray Saxiibkagii Qaaliga ahaa oo Geeridiisa iyo Xabashisaba aad goob joog ka ahayd .

Runtii waa Sheeko Layaable ,isla markana marka aad u kuur gasho waxa aad dareemaysaa in Qofkasta Shaqada iyo Cabalka uu hayay markii uu Aduunka joogay in marka uu Geriyoodo amma uu noqdo Asxabal Qubuur in anay ka hadhayn, Raad wayna ay ku yeelanayso Asxaabtii iyo Ehilkisii uu Aduunka kaga tagay iyo Akhiradiisaba ..

Qisadan Cajiibka ila Akhriso Macnaha wayn ee ay Xanbarsan tahayna aad Maskaxdada ugu daadaji kana faa'idayso.

Qisadani waxa ay ku dhacday Wiil Dhalinyara ah ,Wiilkasi oo ah Mid ku Baas kuna baloobay Dawashada iyo Fiirsashada Filimada Xun Xun ee Anshaxa iyo Akhlaaqda Suubanba ka hor imanaya .

Waxa kaloo intaasi u dheeraa in uu ahaa Nin Dhiiri galiya Fafiyana Filimaantasi ,waxa uu ka mid ahaa Dadka iska Diwaan galiyay Websityada waxaasi ku shaqada leh, isaga oo Bixinayay Lacagta Fiiga si Filimadaasi loogusoo Fasaxo .

Todobaadkas waxaa usoo dhici jiray Video iyo Sawiro Anshi Xumo ah , isagoo markastana Dawad siin jiray isuguna yeedhi jiray dhamaan asxaabtisa iyo cidkasta oo Anshi Xumadasi uu ku talaalay ,kuwasoo markii danbe noqday kuwa dawasho iyo Xiise dheeraada markasta u haya Vidoyada.

Dhamaan Asxaabtisii oo dhan waxa uu ka wada qortay Email kooda si uu Todobaad walba Filimada Anshi Xumada ee usoo dhaca uu iyagana ugu diro ,kadibna waxabu noqday Nin Caan ku ah Faafinta iyo Xayay-siinta Flimadaasi Xumaanta.

Hadaba Maxaa dhacay ?

Wiilkii Dhalinyarada ahaa ee xumaanta iyo Faxishada faafinayay Dhalintii iyo Da'yartana ku baleeyay ,ayaa Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa Gaadhi uu watay waxa uu ku galay Shil aad u xun kaasi oo uu ku Geeriyooday kuna Dhintay ,Ilahayna waxa uu Qadaray in uu halkaas Naftiisii ku waayo .

Saxiibkii oo hadaba Qisadan Warinaya ayaa waxa uu leeyahay :-

Waxaan ka imi Aaskii iyo Xabashii Saxiibkayga Shilka Gadhiga ku Dhintay ,markii aanu aaskii Xabaasha ka nimi kana soo dareernay ayaan anigu waxa aan si toos ah u imi Gurigii aan ku jiray ,inta badan sida Dhalinyarada u cadada ayaan waxa aan markiiba soo Qabsaday Computarkaygii si aan Akhbaar iyo Fariimo uga fiiriyo Facbooc ,Email iwm .

Waxa aan galay horaantiiba Hotmailkaygii ,Hal Mar ayaa waxa ay Indhahaygu Qabteen Fariin Dhextaala Emailkayga gaar ahaan Inbox ka ,waan furay kadibna markiiba waxa ay Indhahaygu qabteen Fariimo iyo Filimo Anshi Xumo ah,kadibna waxaa eegay bal cida ay iiga yimadeen , Subxanala waxa aan Indhaha ku Dhuftay Emailkii aan ku aqanay Saxiibkayga aan hada Aaskisa amma Xabaashisa ka imi Subxanalaa!!!

Waan argagaxay Shaydaanka Ayaan iska Naaray, Indhahaan maran-maray kadibna hadana Dib Ayaan u eegay ,Mise waxaba Fariinta isoo Diray iigana timi Saxiibkayga aan hada kasoo fadhiistay Aaskiisa , Qabriga Jiifa ,kadibna dhamaan Filimadii waan masaxay wanan tirtiray ,hadana Todobaad markii ay kasoo wareegtay ayaa waxaa Inbox Email kaygii kusoo Shubmay isla Filimadii Xumaanta xan-baarsanaa ee uu Saxiibkay iiga tagay ,Dhaxalkana iiga dhigay .

Inataasi ka bacdi Ayaan waxaan ogaday ,ayuu leeyahay Ninka sheekada soo Gudbinayaa, in Saxiibkayga Geriyooday uu isagu intii uu noolaa igusoo Xawilay Dhaxalkan Foosha xun ,,kadibna waxaan Qortay Websitka Waxyabahani iiga imanayaan si aan ula xidhiidho oo ay iga joojiyaan Filimadan Xun xun ee ay igusoo Butaacinayaan markasta .

Markii qoladii Websitka aan la Hadlay ,una sheegay in uu Geeriyoday Saxiibkaygii Akonka ku lahaa , una bahanahay in aniga la iga joojiyo Filimadan aadka u fara badan ee Emailkayga kusoo shubmaaya , waxay iigu Jawabeen ,ma haysaa Saxiibka Password kiisa , ? waxaan ku idhi maya, kadibna waxa ay ii sheegeen in Filimadani ay muddo 4 Afar Sanadood ah ay si- is daba joog ah u ugu soconayaan Emaylkayga kadibna ay is Xidhi donaan si Automatic ah .. .

Runtii waa Qiso Xanuun badan dhalinyarada maantana aan dareemi karo in ay aad ugu bahan yihiin in ay iska ilaaliyaan Waxyabahasi Faxishada ah.

Ifka Waxaad la joogta Janaduun ku Geeya amma-se Naarka Jahanama .

SHEEKADU MIYANAY AHAYN SAXIIBKAY AYAA EMAIL AKHIRO IGASOO DIRAY.

W.Q /Qareen.Khadar Aar


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip