Maxkamada ICC oo maanta go'aan ka gaareysa kiiska William Ruto

0
Tuesday April 05, 2016 - 23:41:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamada ICC oo maanta go'aan ka gaareysa kiiska William Ruto

    Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa maanta oo Talaada ah isaga iyo ninka la eedaysanba, weriye Joshua arab Sang, waxa ay ogaan doonaan in kiiska loo haysto ee dambiyada ka dhanka ah aadanaha ay qaaliyada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, William Ruto, ayaa maanta oo Talaada ah isaga iyo ninka la eedaysanba, weriye Joshua arab Sang, waxa ay ogaan doonaan in kiiska loo haysto ee dambiyada ka dhanka ah aadanaha ay qaaliyada Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada meesha ka saaraan iyo inkale.

Qiyaastii 1200 oo qof ayaa lagu dilay qalalaase xigay doorashooyinkii 2007-dii lagu qabtay Kenya.

Mr Ruto ayaa iska fogeeyay eedaha ay ka midka yihiin dil, musaafurin iyo dhibaatayn dhanka qowmiyadda ah.

Qareenada Mr Ruto ayaa sheegaya in dambiga loo haysto uu bari ka noqon doono kaddib markii markhaatiyaal muhiim ah ay isaga baxeen amaba ay badaleen hadaladoodii hore.

Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa qirtay in markhaatiyada ka baxay ay kiiska ka dhanka ah madaxweyne ku-xigeenka ka dhigeen mid daciif ah, hasayeeshee waxa ay ku dooday in ay hayaan caddeymo ku filan oo ay ku sii wadi karaan maxkamadeynta.

Afhayeen u hadlay maxkamadda ICC ayaa BBCda u sheegay in waxyaabo badan ay suuragal tahay in ay dhacaan.

Xaakimiinta ayey suuragal tahay in ay meesha ka saaraan dhammaan eedaha loo haysto Mr Ruto, oo waxaa laga yaabaa in ay waydiistaan dacwad oogayaasha in ay wax ka badalaan eedaha ama in ay diidaanba doodda kooxda difaacaysa Ruto sidaana ay dacwaddu ku sii socoto.

2014-kii, ayey dacwad ooguhu waxa ay meesha ka saartay eedo kuwa Ruto oo kale ah oo loo haystay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyadoo ku andacootay in loo goodiyay markhaatiyaal taasi oo ku hogaamisay in ay badalaan markhaatikacooda.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip