Al-shabaab oo ka baxay Aadan-yabaal iyo Ciidamo Huwan ah oo dul dagay Degmada.

0
Tuesday April 05, 2016 - 23:41:01 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1783
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo ka baxay Aadan-yabaal iyo Ciidamo Huwan ah oo dul dagay Degmada.

    Wararka ka imaanaya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay ka baxay Degmada ka dib Markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Culeys soo saareen Magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab ay ka baxay Degmada ka dib Markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Culeys soo saareen Magaalada.



Guddoomiyaha Degmada Aadan Yabaal C/llaahi Sheekh Xasan oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Shabaab ay gabi ahaanba Magaalada Faarujiyeen ka gadaal markii Ciidamada Huwanta ah ay Magaalada Kaabiga ku hayaan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah kana yimid dhanka Gobolka Hiiraan iyo Al-shabaab ayaa maanta waxaa uu Dagaal qaraar ku dhexmaray Duleedka Degmadaasi,iyadoo aan ilaa hadda la ogeyn Khasaaraha Dhmasho iyo midka dhaawac ee Dagaalkaasi ka dhashay.

Sidoo kale inta badan Dadkii Magaalada ku noolaa ayaa ka Barakacay,kuwaas oo ka cabsaday in lagu dul dagaalamo.

Al-shabaab ayaa Aadan-yabaal Maamulayay mudo ku dhaw 9 Sano,iyadoo wali aysan gaarin Ciidamada Huwanta ah.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip