Odoyaal Somalida Sweden ah oo ku dhiiraday qabashada adeeg muhiim ah

0
Thursday April 07, 2016 - 02:07:58 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Odoyaal Somalida Sweden ah oo ku dhiiraday qabashada adeeg muhiim ah

    Ka dib markii ay qalalaase ka abuureen basaska ka shaqeeya magaalada Borlänge dhalinyarada Soomaalida ayaa shirkada Dalatrafik waxay hadda bilowday wada-shaqayn ay la yeelanayso ururka odayaasha Soomaalida Borlänge (somaliska PRO-fören

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka dib markii ay qalalaase ka abuureen basaska ka shaqeeya magaalada Borlänge dhalinyarada Soomaalida ayaa shirkada Dalatrafik waxay hadda bilowday wada-shaqayn ay la yeelanayso ururka odayaasha Soomaalida Borlänge (somaliska PRO-föreningen), iyagoo iska fasaxay waardiye ay horay lacag ugu siin jireen sugida amaanka basaska.


Odayaasha Soomaalida ayaa shirkada u soo bandhigay in ay diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan arimaha la xiriira dhalinyarada Soomaalida oo horey dhibaatooyin ugu geystay basaska. 22 ka mid ah xubnaha ururka odayaasha ayaa isniintii waxay bilaabeen in ay raacaan basaska ka shaqeeya Linje 3 kuwaasoo shaqadoodu ay tahay in si amaan iyo deganaansho ah ay dadku ku raacaan basaska.

Shirkada ayaan siinayn odoyaaasha mushaar balse waxaa la siinayaa kaarar ay basaska bilaash ugu raacaan iyo kirada xafiiska ururka odayaasha oo laga bixinayo. Bengt Benjaminsson oo ka tirsan Dalatrafik ayaa si weyn u soo dhaweeyay shaqada odoyaasha Soomaalida, isagoo sheegay in dhaqamada qaarkood ay fiicantahay in dhalinyarada si degan loola hadlo oo ay odayaasha xushmeeyaan.

Abdi Haji Abdullahi oo ah gudoomiyaha ururka odayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in uu rajeynayo in dhalinyaradu ay dhagaysan doonaan odoyaasha.


Somaliska.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip