Ciyaaryahanka reer Maxico ee ka soo tagay sanadkan kuna soo biiray Naadiga Tottenham Giovan Dos Santos ayaa sheegay in uu wax weyn ku soo kordhin doono Naadiga Spurs ka, maadaama uu boos joogto ah ka waayay Barcelona.
Ciyaaryahankan ayaa ahaa no 2 aad labaad ugu weyn ay la soo wareegto Barcelona laakin nasiib daro kama helin boos joogto iyadoo haalkaas ay joogaan Ciyaartoy Magac weyn ku leh kubadda cagta sida Henry, Eto iyo Messi.
Arsen Winger oo Baadi goobaayo Ciyaartoy Tayo Leh.
Tababaraha Naadiga Arsenal Arsen Winger ayaa sheegay inuu xiiseynaayo Ciyaaryahanka qadka ugu ciyaaro Naadiga Aston Villa Gareth Barry.
Kadib guushii ay ka gaareen Shalay Real Madrid ayuu Winger u sheegay Websiteka ay Kooxda Arsenal leedaha arsenal.com aniga ma ogi in Gareth Barry uu ka tagaayo iyo in kale Naadiga Villa.
Waan jaclahay Ciyaaryahan Barry iyo Sadax kale oo aan halkaan Magacooda ku soo koobi Karin, aniga maba aqaan wax aan diin sheego laakin waa arki doontaan hadii aan lasoo saxiixano Ciyaaryahan.
Hassan Omar Osman (Jaana)
xasanjuungal@hotmail.comEmail:
Tel:- +2521-5541199
Warsheekh, Muqdisho
“Giovani Dos Santos.” Waxaan rabaa inaan noqdo Ronaldaha Labaad &Arsen Winger oo Baadi goobaayo Ciyaartoy Tayo Leh.