DR Baadiyow: Waa Wax laga Yax Yaxo in Jabuuti Cadow Lagu Tilmaamo.

0
Sunday April 25, 2021 - 13:12:16 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DR Baadiyow: Waa Wax laga Yax Yaxo in Jabuuti Cadow Lagu Tilmaamo.

    Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka sii xumaanaya ee dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow oo ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga kaga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan xiriirka sii xumaanaya ee dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dr. Baadiyow ayaa shaaca ka qaaday in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay garab u yihiin Soomaaliya, isla-markaana ay jisaarnimo tahay in xilligan cadow lagu tilmaamo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in wax laga xumaado ay tahay erayada kasoo yeeray dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiir Cismaan Abuukar Dubbe.

"In Jabuuti lagu tilmaamo cadow waa jisaarnimo iyo habowsanaan. Rageyni joogay heshiiskii Carta 2000 aad ayaan uga xunnahay erayadaas,” ayuu yiri Dr. Baadiyow.

Siyaasiyagn oo mar isku soo sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaalidu aysan illaabi doonin abaalkii weynaa ee uu u galay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isaga oo xaal-marin siiyey dhammaan walaalaha reer Jabuuti.

"Reer Jabuuti xaal ha qaateen, gaar ahaan M. Ismaciil C. Geelle. Somalidu ma ilaabayaan meesha aad ka keenteen dowlladdooda 20 sano ka ho,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada dowladda Soomaaliya ay digniintii u dambeysay shalay u dirtay xukuumadda Jabuuti, kadib markii ay ku eedeysay inay fara-gelineyso Soomaaliya.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip