Nin Meyd Ah Oo Lagu Arkay Duleedka Gaalkacyo

0
Wednesday May 18, 2016 - 10:50:27 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Meyd Ah Oo Lagu Arkay Duleedka Gaalkacyo

    Wararka naga soo gaaraya laamaha amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Amniga lagu soo wargaliyey nin meyd ah iyo nin dhaawac ah oo yaala galbeedka magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya laamaha amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Amniga lagu soo wargaliyey nin meyd ah iyo nin dhaawac ah oo yaala galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Amniga ayaa gaaray goobtan, waxa ayna soo qaadeen meydka ninka la dilay iyo dhaawaca ninka nool, waxaana la baarayaa wali cidii ka dambeysay falkaas.

 
Labada nin ayaa ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, waxa ayna ahaayeen dadka ka ganacsada Cadeyga ama rumeyga, kuwaas oo ilaa hadda aan la aqoon cida u geysatay falkan dilkaa iyosababta Toona.

 
Saraakiisha Amniga ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ninka dhaawaca ah uu sheegay in nin hubeysan uu rasaas ku soo furay, uuna ka baxsaday goobtan.

 
Ma uusan sheegin halka uu ka yimid, maadaama uu sheegay in aad uga durugsanaayeen meesha uu rasaasta uga soo ridayey, taas oo ay hadda baaris ku hayaan ciidamada Amniga.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip