Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyay Sharciga Lagu Dhisayo Maxkamada Dastuuriga

0
Saturday June 11, 2016 - 19:52:32 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyay Sharciga Lagu Dhisayo Maxkamada Dastuuriga

    Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeelanayaan xarunta Goalaha shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kulan ku yeelanayaan xarunta Goalaha shacabka.

Ajandaha kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee maanta ayaa waxa uu ku saabsanaa wax ka bedelka Dastuurka iyo u codeynta wax ka bedelida qodobka 10-aad ee mudada xil heynta federaalka xuduudaha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijadii ka soo baxday codeynta sharciga lagu dhisayo Maxkamada Dastuurka oo ay Maanta ansixiyeen Xildhibaanada.

147 Xildhibaan ayaa ansixiyay, waxaana sharcigaas diiday 2 Xildhibaan.

Sidoo kale Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ansixiyay wax ka badalka qodobka 10-aad ee ku saabsan muddada Xil heynta gudiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

148 Xildhibaan ayaa ogolaaday Sharciga wax ka badalka qodobka 10-aad ee ku saabsan muddada Xil heynta gudiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka mana jiro Xildhibaan diiday sida uu ku dhawaaqayo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sharaxaad ka bixiyay codeyn socon doonto 3 Kulan ee Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta ka bilaabaneyso taasi oo ah sharciga wax ka badalka Dastuurka iyo waqtiga rasmiga ah oo ay shaqadooda ku eg tahay Baarlamaanka hada shaqeeya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip