Madaxweynaha Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Boqortooyada Belgium +Sawirro

0
Monday June 27, 2016 - 16:07:26 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Boqortooyada Belgium +Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Belgium wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Roxane de Bilderling.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay Danjiraha cusub ee Boqortooyada Belgium wakiilka uga noqon doonta Soomaaliya, Roxane de Bilderling.

Madaxweynaha ayaa Danjiraha u ballanqaaday in si buuxda ay Dowladda Soomaaliya ula shaqeyn doonto, uuna ku faraxsan yahay doorka Belgium-ka ee arrimaha Soomaaliya.

Danjire de Bilderling ayaa sheegtay in dalkeeda oo xubin ka ah Midowga Yurub uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Dowladda Belgium waxay ballanqaadday inay Soomaaliya kala shaqeyn doonaan arrimo badan sida amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta bulshada.




--------------------DHAMMAAD-------------

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip