Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar carte iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda ayaa cambaareeyay dilka xalay loo geystay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid Duceysane) oo ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Allaha unaxariistee waxaa xalay Masjid ku yaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir lagu dilay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid Duceysane) oo ka tirsanaa shaqaalaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Sheekh Caamir isagoo ka soo baxay Masjid ku yaala degmadaasi ay dileen.
Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab Maxamed Cismaan Dhoore oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu raad joogo kooxaha dilka geystay.
Degmooyinka qaar ee ka tirsan gobolka Banaadir waxaa ka dhaca dilal qorsheysan kuwaas oo lala beegsado xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dad shacab ah, iyadoo inta badan dilalkaas Mas’uuliyadooda ay sheegtaan ururka Al-shabaab.
Madaxweynaha Oo Cambaareeyay Dilka Xalay Loo Geestay Sheekh Cumar Duceysane
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar carte iyo Mas'uuliyiin ka tirsan Labada Gole ee dowladda ayaa cambaareeyay dilka xalay loo geystay Sheekh Cumar Xuseen Xasan (Ceeydiid