Wafdi Ka Socda Dowlada Soomaaliya IGAD Oo Gaaray Degaanka Ceel-Barde

0
Thursday July 14, 2016 - 09:28:48 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi Ka Socda Dowlada Soomaaliya IGAD Oo Gaaray Degaanka Ceel-Barde

    Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal ayaa gaaray magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool, si ay ugu kuur galaan xaaladda deegaanada hoos yimada degmada Ceel-Barde, sida Yeed iyo Aato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Jaamac Mursal ayaa gaaray magaalada Ceel-Barde ee gobolka Bakool, si ay ugu kuur galaan xaaladda deegaanada hoos yimada degmada Ceel-Barde, sida Yeed iyo Aato.

Ujeedka Wafdiga Wasiirka, ayaa ahaa sidii loo soo af-jari lahaa khilaaf u dhaxeeya maamulka Konfur Galbeed Soomaaliya iyo maamulka lagu magacaabo Bakool Sare oo dhawaan looga dhawaaqay degmada Ceel-barde.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ah wakiilka uruur goboleedka IGAD ee Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo Siyaasiyiin Xilal kala duwan hore uga soo qabtay Soomaaliya.

Maxamed Jaamac Mursal oo ka hadlay socdaalka degmada Ceel-barde ayaa amaanay nabad galyada ka jirta deegaanka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wax lagu farxo ay soo baxaan kulan uu la qaatay maamulka iyo odayaasha deegaanka.

Danjiraha Ururu Gobaleedka IGAD, Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in ahmiyad gaar ah ay leeyihiin in wada hadal lagu dhameyo khilaafka u dhexeeya bulshada iyo siyaasiyiinta Bakool Sare iyo Dowlad Gobaleedka Koofur Galeed Soomaaliya.

Danjire Afeey, wuxuu kulanka ka sheegay in IGAD ay fududeeneyso wadahadalka dhex mari doona siyaasiyiinta deegaanka Ceelbarde iyo dowlad gobaleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip