Madaxweynaha Oo Booliska Kula Dardaarmay Inay Kasbadaan Kalsoonida Shacabka, Ayna Dhowraan Anshaxa + Sawirro

0
Friday July 15, 2016 - 16:13:28 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1125
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Booliska Kula Dardaarmay Inay Kasbadaan Kalsoonida Shacabka, Ayna Dhowraan Anshaxa + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ugu baaqey inay kasbadaan kalsoonida shacabka, siina xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ugu baaqey inay kasbadaan kalsoonida shacabka, siina xoojiyaan dadaalkooda ku aaddan sugidda amniga.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad lagu soo gabagabeynayey tababar u socday xubno cusub oo jaamiciyiin ah oo ku soo biiray Ciidanka Booliska oo tiradoodu gaareyso 19.

"Waxaa la idin kaga fadhiyaa inaad noqotaan tusaale, isla markaana aad isku xirtaan dowladda iyo shacabkeeda. 

Waxyaabaha idin fududeyn kara inaad shacabka si hufan ugu adeegtaan waxaa ka mid ah dhowrista anshaxa iyo xeerarka idin degsan’’.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay ciidankan cusub ee ku soo biiray booliska sida ay ugu dhiiradeen iyagoo aqoonyahanno ah inay ku shaqeeyaan xaaladaha adag ee dalka ka jira, waxaana uu ballanqaaday in dowladda ay qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu tayeynayo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

‘’Waxaad tihiin hoggaanka mustaqbalka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. 

Saraakiisha maddaaleyaasha ee ciidanka booliska qaarkood waxay dalkan u shaqeynayeen ku dhowaad 50 sanno, sidaa darteedna dhalinyarada wax baratey ee booliska ku soo biiraya ayaa ah kuwii beddeli lahaa jiilkaasi hore’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goobtaasi min laba xiddigood ku guddoonsiiyay dhalinyarada cusub ee qalin jabisey, isagoo sidoo kale dalacaad iyo abaalmarino kale ku guddoonsiiyay xubno iyaguna ka tirsan booliska.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha si rasmi ah u furay tababar layli saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo ay ka qeyb qaadanayaan koox cusub oo booliska ku soo biiray.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay Wasiirka Amniga, Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.






------------------DHAMMAAD--------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip