SOO DHOWEYN
waxaan si kal i laab ku dheehan tahay u soo dhoweyneynaa ansaxinta ku dhaqanka shareecada islaama ee uu maanta ansixiyay madaxweynaha dowlada islaamiga ah ee soomaaliya sh.shariif sh. axmed waxana u aragnaa in ay tahay talaabo loo qaaday dhanka wanaagsan islamarkaana waafaqsan rabitaanka shacabka soomaaliyeed oo boqolkiiba boqol muslim ah. iyo baaqyada culumada samaha jecel ee ahaa in la qaato ku dhaqanka shareecada islaamka.
waxay kaloo ay astaan u tahay in la gaaray miriihii halganka culumada soomaaliyeed ee ku qotomay in dalka iyo dadka soomaaliyeed lagaarsiiyo bisayl diimeed iyo in la helo hogaan wanaagsan oo dalka iyo dadka soomaaliyed ku hogaamiya shareecada islaamka MUDANA IN LA DIFAACO.
BAAQ (shacabka)
waxaan shacabka soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu baaqaynaa in ay tageeraan dowlada islaamiga ah ee soomaaliya maadama uu baarlamaanka iyo golaha wasiirada ay isku raaceen in dalka lagu xukuma shareecada iyo qaanuunka islaamiga ah madaxweynahana uu ansaxiyay waxay ka dhigaysaa dowlada mid islaami ah, waa in shacabku la garab istaago hiil iyo hoo dowlada islamarkaana aan difaacao dowlada islaamiga ah ee inoo curatay oo aan dhihi karno waa midii dalka iyo dadka soomaaliyeed ka samata bixin lahayd dhibaatada inagu habsatay ee sagaal iyo toban jirsatay.
CULUMADA SOOMALIYEED.
waxaan culumada soomaaliyeed ku boorinaynaa in ay ka hadlaan dagaalada iyo dhiilada ka aloosan magaalada muqdisho iyo gobolada dalka iyo dagaalada fidnada ah iyo in ay la shaqeeyaan dowlada islaamiga ah islamarkaana u tafa xaytaan sidi ay u soo diyaarin lahayeen dastuur islaamiya ah oo waafaqsan quraanka kariimka iyo sunada rasuulkeena suuban csw.
CAMBAARAYN.
waxaan si weyn u cambaareynaynaa dagaalada ka socda magaalada muqdisho oo u dhexeeya ciidamada dowlada islaamiga ah iyo kuwa mucaaradka waxaana lee nahay dagaalku waa mid fidno ah ee hala joojiyo dhiiga muslimkuna waa idinka xaarane joojiya ayaan lee nahay waxaana ugu yeeraynaa qeybaha dowlada iyo mucaaradku in ay miiska wada hadalka soo fadhiistaan islamarkaana ku dhameeyaan wadaxajood iyo is faham.
GUNAANADKII.
waxaa shacabka soomaliyeed meel kasto oo ay joogaan ugu baaqeynaa in la tageero dowlada islaamiga ah isla markaana aan ka shaqeyno sidii loo xaqiijin lahaa jiritaanka dowladnimo taas ayaa nawada deeqda.
SOOMAALIYEEY MIDNIMO SOMAALAAY NABAD.
--
M O Jama
SCOB Secretary General.
Western Cape Province.
Tel: +27219498816
Cell:+ 27(0)737415434
E-mail: mojama01@gmail.com
taageerid ansixinta madaxweynaha ee ku dhaqanka shareecada islaamka
WARSAXAAFADEED taageerid ansixinta madaxweynaha ee ku dhaqanka shareecada islaamka iyo cambaarayn dagaalada ka socda magaalada muqdisho .