Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Maanta Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

0
Monday August 01, 2016 - 22:31:20 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Maanta Ka Dhacay Gobolka Galgaduud

    Wararka Caawa aan ka heleyno Deegaanka Biyo-baxdo oo hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta gelinkii dambe uu halkaasi ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo maleeshiyo Beelood oo wada dega degaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka Caawa aan ka heleyno Deegaanka Biyo-baxdo oo hoostaga Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in maanta gelinkii dambe uu halkaasi ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo maleeshiyo Beelood oo wada dega degaanka.

Dagaalkan ayaa maalmahan waxa uu ka taagnaa deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Inta la ogyahay Dagaalkan maanta dhexmaray Maleeshiyo Beeleedkan ayaa waxaa ku dhinta dad tiradooda ay kor udhaafeyso 10 Qof halka tiro intaa ka badan ay ku dhaawacmeen.

Maamulka Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay Beelahan ku dagaalamaya gobolka Galgaduud ugu baaqeen in joojiyaan dagaalka.

Waxgarad iyo Odayaal ayaa maanta ku baxay Beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolka Galgaduud, waxaana ay halkaasi ka wadaan sidii ay nabad udhex dhigi lahaayeen Beelahaasi.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip