Soomaaliya Oo Bisha Soo Socota Martigelineysa Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD

0
Saturday August 06, 2016 - 14:26:07 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Bisha Soo Socota Martigelineysa Shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii 2-aad ee waddamada xubnaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii 2-aad ee waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo dalalka kale ee Afrika iyo beesha caalamka ay uga arrinsanayeen xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan.

Go’aamada ka soo baxay shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah in ciidan badbaadiya shacabka la geeyo Koonfuurta Suudaan, in nabadda la dhiirigeliyo, lana xushmeeyo heshiisyada siyaasadeed ee ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Waxaa sidoo kale madaxda IGAD ay go’aamiyeen in shir madaxeedkooda caadiga ah ee sannadlaha ah bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto magaalada Muqdisho.





------------------DHAMMAAD-------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip