AMISOM Oo Soo Dhaweysay Xiliga Ay Dhaceyso Doorashada Soomaaliya

0
Monday August 08, 2016 - 18:07:47 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM Oo Soo Dhaweysay Xiliga Ay Dhaceyso Doorashada Soomaaliya

    Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee AMISOM u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira,ayaa sheegay in ay ugu hambalyeeyay dad Soomaaliyeed waqtiga loo qorsheeyay in ay dhacaan doorshooyinka Soomaaliya taasi oo lagu wado in madaxweyne cusub lagusoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee AMISOM u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira,ayaa sheegay in ay ugu hambalyeeyay dad Soomaaliyeed waqtiga loo qorsheeyay in ay dhacaan doorshooyinka Soomaaliya taasi oo lagu wado in madaxweyne cusub lagusoo doorto 20ka bisha October.


Francisco Madeira,oo sidoo kale ah madaxa hawgalada Midowga Afriaka ee AMISOM ayaa tilmaamay in ay la shaqayn doonaan dadka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in nidaamka doorshadu uu ku dhaco jawi nabdoonaan iyo xasilooni ah.

Hadalkaan ayaa kasoo baxay AMISOM ayaa waxaa lagu sheegay in lagu garabistaagayo bulshada Soomaaliyeed iyo in la xaqiijiyo in guddiga doorashooyinka dadban ay u qabtaan howshooda si hufan siloo soodoorto baarlamaan cusub iyo madaxweyne.

Francisco Madeira,ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay faaiido u arkaan jadwalka doorshada ee lasoo saaray sibuuxdana ay uga qayb qaataan doorashada cusub ee baarlamaaniga ah taasi oo aas aas u noqondoonta doorashada 2020ka taasi loo qorsheeyay in ay noqoto hal qof iyo hal cod.

Guddiga doorashooyinka dadbadn ee dalka ayaa shalay soo saaray jadwalka ay siku raaceen madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa dawlada dhexe oo ah in doorashada aqalka sare ay dhacdo 25-ta September mid baarlamaanka cusub lagusoo dooranaya ay qabsoonto inta u daxaysa September 24 – October halka doorashada madaxweynahana loo qorsheeyay 10 iyo October 30, 2016.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip