Madaxweynaha "Danjiraha Djibouti Ee Waqtigiisa Dhammaaday Dadaal Iyo waqti Dheer Ayuu Geliyay Taageerada Soomaaliya'' + Sawirro

0
Saturday August 13, 2016 - 20:38:53 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1218
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha "Danjiraha Djibouti Ee Waqtigiisa Dhammaaday Dadaal Iyo waqti Dheer Ayuu Geliyay Taageerada Soomaaliya'' + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada qado sharaf sagootin ah ugu sameeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Soomaaliya Mudane Dayib Dubbad Rooble oo waqtigiisu uu dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada qado sharaf sagootin ah ugu sameeyay Danjiraha Jamhuuriyadda Djibouti u fadhiya Soomaaliya Mudane Dayib Dubbad Rooble oo waqtigiisu uu dhammaaday.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Rooble waxqabadkiisa iyo dadaalka uu u galey taageerada Soomaaliya.

"Xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti oo weligiiba ahaa mid aad u wanaagsan, ayaa gaarey heerkiisii ugu sarreeyay muddadii 7-da sanno ahayd ee Danjire Dayib uu ku sugnaa Soomaaliya. 

Waxaa uu dalkan ka shaqeynayey xilli aad u adag, ilaa iyo haatanna waxaa uu si dhow ula shaqeeyaa Soomaaliya oo dhan. 

Waxaan u mahad celinayaa Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabka reer Djibouti oo gartey inay inoo soo xulaan shakhsi daacad ah oo dadaal badan oo Soomaaliya wax weyn u qabtey'', ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadaasi haddiyad ku guddoonsiiyey Danjire Dayib Dubbad Rooble, isagoo u rajeeyay inuu Ilaahay u fududeeyo xilka cusub ee uu safiirka kaga noqonaya dalka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mohamed Abdalla Idris, oo iyaguna goobta ka hadley ayaa si kooban uga hadley dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee Danjire Dayib Dubbad Rooble uu ka qabtey Soomaaliya.

Danjire Dayib Dubbad Rooble oo xafladda qadada ah ka hadley ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu noqdo isku xiraha labada dal ee walaalaha ah muddadii 7-da sanno ahayd ee la soo dhaafay, isagoo sheegay inuu sii wadi doono dadaalka iyo garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Ku-Simaha Ra'iisul Wasaaraha, ahna Wasiirka Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac, xubno ka tirsan labada gole, Taliyaha Ciidammada AMISOM, General Cusmaan Subagle, danjireyaasha waddamada shisheeye u fadhiya Soomaaliya iyo mas'uuliyiin kale.





-----------------------DHAMMAAD-----------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip