Ciidamada Nabad Sugida Oo Weeraray Maleeshiyaad Isbaaro U Taalay Degaanka Godinlabe

0
Sunday August 14, 2016 - 13:41:21 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Nabad Sugida Oo Weeraray Maleeshiyaad Isbaaro U Taalay Degaanka Godinlabe

    Wararka ka imaanaya deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya in uu halkaas saakay ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug iyo sidoo kale maleeshiyaad Hubeysan oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee Bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya in uu halkaas saakay ka bilowday dagaal u dhaxeeya Ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug iyo sidoo kale maleeshiyaad Hubeysan oo jidgooyooyin dhigtay deegaanka.

Ciidamada Nabad sugida Galmudug ayaa la sheegay in weerar qorshaysan ay ku qaadeen Ciidamada Maleeshiyaadka ah waxaana deegaanka Godinlabe laga maqlay rasaas ay is weedaarsadeen Labada dhinac.

Dhanka kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamul Goboleedka Galmudug ayaa warbaahinta u sheegay in arintaan ay timid kadib markii dadka ku nool deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay ku hayaan Maleeshiyaadka hubeysan.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in halkaasi uu ka dhashay Khasaaro soo kala gaaray la bada dhinac.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip