Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka sool ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xiisad dagaal ay ka dhalatay ka dib safar uu madaxweynaha maamulka Somaliland uu ku maraayo deegaano ka tirsan gobolka Sool.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa safar ku maraaya deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Sool.
Gobolka Sool waxaa ka jira khilaaf xoogan oo u dhexeeya maamulada Somaliland ,Puntland iyo Maamulka Khaatuma oo hada wadahadal kula jira maamulka Somaliland.
Qaar ka mid ah deegaanada lagu wado in uu gaaro Madaxweyne Siilaanyo waxaa ka agdhow ciidanka maamulka Puntland , waxaana la sheegaya in ciidamada maamulka Puntland dhamaan heegan la geliyay.
Xiisada ugu badan ayaa maanta ka taagan degmada Taleex ee gobolka Sool halkaas oo lagu wado in uu gaaro Madaxweynaha maamulka Somaliland.
Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa shalay lagu soo dhaweeyey wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Axmad Siilaanyo.
Xiisad Dagaal Oo Maanta Ka Taagan Gobolka Sool