Ururka Al Shabaab ayaa shacabka ku nool Magaalada Muqdisho waxa ay uga digeen Qaadashada Kaarka Aqoonsiga Dowladda Hoose (Teesare Minashiibiyo), xilli Taliska Nabad Suggida iyo Duqa Muqdisho ay shacabka u sheegeen in loo baahan yahay qaadashada Kaarkaasi.
Afhayeenka Guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge (Cali Dheere) ayaa sheegay inay u digayaan shacabka reer Muqdisho inaysan qaadan kaarkaasi Aqoonsiga.
Waxa uu sidoo kale uga digay Bulshada inaysan tagin goobaha lagu bixiyo kaarkaasi, maadaama Shabaab bartilmaameed ay u tahay meel kasta oo lagu bixiyo Kaarka Aqoonsiga Dowladda Hoose.
Afhayeenka Al Shabaab ayaa sababta dadka reer Muqdisho ay uga digayaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga waxa uu ku sheegay inay tahay.
"Sababta waxa ay tahay koow dhaqaalihiina ayaa la rabaa in la qaato si aad gaajo ugu dhimataan kadibna dhaqaalihiina kursi iyo Madaxtinimo in lagu raadsado, labo xogtiina in gacanta loo geliyo Ajaanibta oo fara lagaa qaado oo sawir lagaa qaado, taana waa dhibaato la idinla maagan yahay dadka haka feejignaadaan arintaasi waa dhagar loo maleegaayo, Dhaqaalahooda ha xifdiyaan dadka Muslimiinta ah.”
Dagaalka Soomaaliya ka socda ayaa dhibaatada ugu badan waxa ay ka soo gaarta dadka shacabka ah oo Shabaab iyo Dowladda labaduba dushooda ay ku dagaalamayaan.
Ururka Al Shabaab Oo Sheegay In Ay Beegsan Doonaan Xarumaha Laga Qaato Kaarka Aqoonsiga Ee (Teesare Minashiibiyo)
Ururka Al Shabaab ayaa shacabka ku nool Magaalada Muqdisho waxa ay uga digeen Qaadashada Kaarka Aqoonsiga Dowladda Hoose (Teesare Minashiibiyo), xilli Taliska Nabad Suggida iyo Duqa Muqdisho ay shacabka u sheegeen in loo baahan yahay qaadashada Kaark