Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Sheegay Inay Taageersan Yihiin Qoondada Haweenka Ee Goleyaasha Qaranka + Sawirro

0
Sunday September 04, 2016 - 13:01:50 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Sheegay Inay Taageersan Yihiin Qoondada Haweenka Ee Goleyaasha Qaranka + Sawirro

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Feder

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay haweenka xubnaha ka aha Baarlamaanka Federaalka iyo haween ka tirsan ururrada bulshada.

Kulankan oo looga hadlayey qoondada 30% ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka, ayaa Madaxweynaha waxaa uu haweenka u sheegay in shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ee bishii August lagu go'aansadey in si buuxda loo fuliyo qoondada haweenka ee doorashada 2016.

Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin qoondada haweenka ee goleyaasha qaranka, iyagoo kula dardaarmey inay u midoobaan gaarista hadafkooda siyaasadeed, isla markaana ay door weyn ku yeeshaan talada iyo dib u dhiska dalka.



------------------------DHAMMAAD------------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip