Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiye kuxigeenkii Amniga iyo Siyaasada Ee Degmada Howlwadaag

0
Wednesday September 07, 2016 - 14:48:49 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1819
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiye kuxigeenkii Amniga iyo Siyaasada Ee Degmada Howlwadaag

    Duqa Muqdisho waxa uu xilka qaadis ku sameeyay Gudoomiye kuxigeenkii Amniga iyo Siyaasada Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho waxa uu xilka qaadis ku sameeyay Gudoomiye kuxigeenkii Amniga iyo Siyaasada Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Yuusuf xuseen Jimcaale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xilka qaadistan ku dhaqaaqay kadib markii ay ka maqnaatay Kulan looga hadlayay Amniga Muqdisho Gudoomiye kuxigeenka xil ka qaadista lagu sameeyay.

Gudoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Howlwadaag ee xilka laga qaaday ayaa ka maqnaatay kulan looga hadlay sugida amniga degmooyinka Xamar Jajab,Waaberi,Hodan iyo Howlwadaag.

Waxa uu carabka ku dhuftay duqa Muqdisho in sidoo kale xilkiisa weynayo Masuulkii ka maqnaado Kulamada looga Arinsnaayo Amniga Caasimada.

Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhinaca kale digniin u diray Gudoomiyayaasha aan soo xaadirin kulamada looga hadlayo Amniga Magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhinaca kale ka hadlay Nadaafad daro uu sheegay iney kajirto degmooyinka qaar ee Caasimada,wuxuu sheegay in Gudoomiyihii waaxdiisa Nadaafadeeda xumaato lala xisaabtamayo.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip