Dowlada Mareykanka Oo Sheegtay In Ay Dishay Dagaalyahano Ka Tirsan Ururka Al Shabaab

0
Thursday September 08, 2016 - 11:41:06 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Mareykanka Oo Sheegtay In Ay Dishay Dagaalyahano Ka Tirsan Ururka Al Shabaab

    Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay ka fulisay dalka Soomaaliya in ay ku dishay 4 xubnood oo ka tirsan uruka Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn ay ka fulisay dalka Soomaaliya in ay ku dishay 4 xubnood oo ka tirsan uruka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Wasaarada difaaca ayaa lagu sheegay in howgalkaasi la fuliyay todobaadyadii la soo dhaafay.

Dowladda Mareykanku waxa ay qirtay in howgalkaasi ay ka qeyb qaateen Ciidanka si gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya , islamarkaana ay muddo la dagaalameen dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Genever Derekiz oo ah afhayeenka ciidanka Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa sheegtay in la dilay 4 xubnood oo muhiim ah oo ka tirsan Al-Shabaab duqeyn ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya.

Todobaadkaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamo Mareynkan ah ayaa la sheegay in ay howgal qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanka Toora-Tooroow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dowladda Soomaaliya ayaa Todobaadkan waxa ay sheegtay in howgal qorshaysan oo ay ka qeyb qaateen ciidamo Ajaanib ah in ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka mid yihiin Madaxii Shabeellaha Hoose u qaabilsanaa Al-Shabaab , Madaxii Canshuuraha , Madaxii Garsoorka Shabeelaha Hoose iyo xubno kale.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip