Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Jamhuuriyadda Djibouti

0
Thursday September 08, 2016 - 16:28:11 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Oo warqadaha Aqoonsiga Danjiranimo Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Jamhuuriyadda Djibouti

    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Djibo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer ayaa maanta kaga gudoomay Xafiiskiisa nuqul ka mid ah Warqadaha aqoonsiga danjiranimo Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Djibouti u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Aden Hassan Aden.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga iyo Safiirka cusub oo kulan wada yeeshay ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee labada dal ka dhaxeeya.

Soomaaliya iyo Djibouti waa laba dal oo walaalo ah, kana dhaxeeya xiriir sal adag .

Soomaaliya ayaa kaalin balaaran ku laheyd gobonnimada wadanka Djibouti, iyadoo aqoonsatay qarannimada iyo madax banaanida dalkaasi isla markii lagu dhawaaqay gobonnimada dalkaasi oo ku beegneyd June 27, 1977, waxaana labada dal ay u saldhigeen xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashi wadaag ah oo ku dhisan walaalnimo.

Dowladda Djibouti waxa ay kaalin firfircoon ku leedahay dalalka ciidamada ugu deeqay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo hab wadaag ah kula shaqeeya Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya (XDS).

Ciidamada Djibouti waxa ay ka howlgalaan degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya , waxaana dadka Soomaaliyeed ay ugu magac dareen "Hiil Walaal” .





Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada

Section of Press and Public Relations
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip