Madaxweynaha Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Cusub Ee dalka Djibouti + (Sawirro)

0
Thursday September 08, 2016 - 22:43:21 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjiraha Cusub Ee dalka Djibouti + (Sawirro)

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Djibouti u fadhin doona magaalada Muqdisho, Mudane Aadan Xasan Aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Djibouti u fadhin doona magaalada Muqdisho, Mudane Aadan Xasan Aadan.

Madaxweynaha ayaa safiirka cusub u xaqiijiyey in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda ula shaqeyn doonto, una fududeyn doonto gudashada waajibaadkiisa.

"Waxaan ku faraxsanahay in walaalkey Ismaaciil Cumar Geelle uu kuu soo magacaabo xilkan, adigoo ah nin si wanaagsan arrimaha Soomaaliya u fahamsan.

Waxaan si weyn ugu mahad celinaynaa danjirihii kaa horeeyay oo isna hawl aad u wanaagsan oo taariikhda lagu xusi doono Soomaaliya ka qabtey. 

Dalka Djibouti kaalin mug leh ayuu ku leeyahay taariikda cusub ee dowlad dhisidda Soomaaliya, waxaana rumeysanahay in imaanshiyahaaga dalka uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada waddan ka dhexeeya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Danjire Aadan Xasan Aadan oo isna halkaasi ka hadley ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalka Soomaaliya ka hawlgalo, isagoo intaa ku darey inuu wadashaqeyn buuxda la yeelano doono Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale Danjiraha uu salaan gaar ah oo uu ka siday Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle soo gaarsiiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Mudane Cabsisalaam Hadliye Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.






------------------------------DHAMMAAD-----------------------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip