Dacwada Dowladaha Kenya Iyo Soomaaliya Oo Maanta Ka Bilaabatay Dalka Holland

0
Monday September 19, 2016 - 15:39:39 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacwada Dowladaha Kenya Iyo Soomaaliya Oo Maanta Ka Bilaabatay Dalka Holland

    Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta waxaa ka bilaabatay dhageysiga dacwada Badda ee u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ayaa maanta waxaa ka bilaabatay dhageysiga dacwada Badda ee u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo kenya.

Maxkamadda ayaa maanta bilowday dhageysiga Dacwada Dawladda Kenya ay ka qabto Muranka Badda ee kala dhaxeeya Dowladda Soomaaliya oo dhankeeda ku doodaysa in Kenya ay kusoo xadgudubtay biyaha Soomaaliya.

Maalinta bari ah oo Talaado ah tariikhdana ay ku beegan 20-ka September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00 Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland ayaa dhageysan doonta waxa ay Soomaaliya ka qabto dacwada iyo cadeymo maxkamada la horgeyn doono.

Wareegga Labaad

Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliya waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip