Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Digay In Shacabka La Kiciyo

0
Saturday September 24, 2016 - 15:12:59 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Digay In Shacabka La Kiciyo

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Shacabka oo la kiciyo islamarkaana loo sheego wax aan jirin laga dhaxli karo Dhibaato sii dheeraata,wuxuuna tilmaamay in wadajir loo ilaaliyo Nidaamka Dowladnimo ee Dalka ka jirta.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa ka digay in Dalka uu ka dhaco Kacdoon lagu dumiyo Nidaamka Dowladnimada ee Dalka ka jira si la mid ah Kacdoonkii lagu riday Dowladdii Milatariga ee ka jirtay sanadkii 1991-kii.

"Soomaaliya waxaa ay Burbur iyo Dagaal ku jirtay Mudo Rubac Qarni ah,hadda waxay Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda hayaan waddadii Dowladdnimo,marka ma ahan in aan Gacanteena ku dumino,waayo waxaa la xasuustaa waxii laga dhaxlay Dowladdii dhexe ee Dalka uu lahaa markii la riday”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha hadalkiisu ayaa imanaya Xilli Dalku ku jiro kala guur oo ay ka dhici doonaan Doorashooyin iskugu jira mid Baarlamaan iyo mid Madaxweyne Bisha Oktoober ee sanadkan 2016-ka.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip