Maamulka Puntland Oo Beeniyay Inay Safiir U Magacaabeen Dalka Itoobiya

0
Saturday September 24, 2016 - 15:40:52 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1465
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Beeniyay Inay Safiir U Magacaabeen Dalka Itoobiya

    Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo ku aadanaa in Madaxweynaha Puntland Dr C/wali maxamed Gaas uu safiir u Magacaabay Dalka Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo ku aadanaa in Madaxweynaha Puntland Dr C/wali maxamed Gaas uu safiir u Magacaabay Dalka Itoobiya.

"Majirto wax magacaabid ah, dad ayaa soo dhoodhoobay oo doonaya inay dadka jahwareeriyaan oo ay madaxweynahana ka been abuurtaan,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Mudane Maxamuud Xasan Soocadde.

Warar lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Puntiland Cabdiweli Gaas in digreeto Madaxweyne uu ku Magacaabay Safiirka Cusub ee Puntland u fadhin doona dalka Itoobiya taasi oo dad badan ay layaabeen.

Warqada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntiland Cabdiweli Gaas ayaa lagu sheegay in Puntiland ay u magacawday Sureer Abshir Muuse in uu noqdo Safiirka Dowlada Puntilnad u fadhiya dalka Itoobiya.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip