Ururka Al Shabaab Oo Saakay Madaafiic Ku Garaacay Degmada Ceel-cali Ee Gobolka Hiiraan

0
Monday October 03, 2016 - 13:39:27 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1814
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab Oo Saakay Madaafiic Ku Garaacay Degmada Ceel-cali Ee Gobolka Hiiraan

    Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab xalay waxaa duqeyn loo geystay saldhiga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Ceel- Cali ee gobolka Hiiraaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta ku hadasha afka Al Shabaab xalay waxaa duqeyn loo geystay saldhiga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Ceel- Cali ee gobolka Hiiraaan.

Al Shabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay Madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidanka Itoobiya ee ku yaalla degmada Ceel cali ee duleedka magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Al Shabaab ayaa sheegay in ay dhowr madaafiic ay ku dhufteen gudaha saldhiga ciidanka Itoobiya degmada Ceel Cali , islamarkaana ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

Gudoomiyaha degmada Ceel Cali ee gobolka Hiiraan Abiikar Yaroow Cumar ayaa xaqiijiyay in saaka aroortii dagaalyahano ka tirsan ururka Al Shabaab ay madaafiic ku garaaceen meel u dhow saldhiga ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Ceel-cali 

Gudoomiyaha ayaa sida oo kale sheegay in aysan jirin cid ay waxyeelo kasoo gaartay Madaafiicda lagu garaacay degmada Ceel cali ee gobolka Hiiraan.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip